SOOMAALIYA OO LAGU TAAGEERAY SHIRKA OIC EE 15-AAD.

(SAWIR)-KA. URURKA ISKAASHIGA ISLAAMKA.

(BANJUL-GAMBIA)-Magaaladda Banjul ee ah caasimadda dalka Gaambiya waxaa maanta oo Sabti ah ka furmay shir Madaxeedka 15-aad ee Ururka Iskaashiga Islaamka(OIC). Hogaamiyeyaasha Caalamka oo ka kala yimid 57-wadan oo xubno ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka(OIC) iyo kuwa kale ayaa la la filayaa iney ka soo qeybgalaan shirkan 15-aad sida ey ku sheegtay War Murtiyeed OIC-da ka hor shir Madaxeedka. Ururka Iskaashiga Islaamka(OIC) waxa ey intaas ku dartay in shir Madaxeedka looga golleeyahay in lagu xoojiyo midnimadda “si wadajir ah wax looga qabto caqabadaha adag ey wajahayso Uammadda Msulimiinta ah iyo balaarinta iskaashiga iyo wadajirka dalalka xubnaha ka ah OIC-da si loo gaaro himilooyinka aan wadaagno sida ku cad axdiga”. Ururka Iskaashiga Islaamka(OIC) waxa ey intaas ku daray in shirku ujeedadiisu tahay “In la balaariyo dhaqaalaha Ururka Iskaashiga Islaamka gudaha iyo dib u soo nooleynta ganacsyadda yar yar iyo kuwa dhexdhexaadka ah”,marka lagu darro”Ka faa’iideysiga fursadaha aan la wadaagno hantida dalka Gambiya iyo dhaqanka Afrikaan adduunka”. Shir Madaxeedka oo dhacayo ilaa Axadda ayaa halku dhegiisu yahay”XOOJINTA MIDNIMADA IYO WADAJIRKA IYADOO LOO MARAAYO WADA HADALO LOOGU TALAGALAY HORUMAR WAARA”,shirka ayaa looga hadli doonaa arrimaha caalamka,gaar ahaan xaaladda hadda ka jirta dhulka Falastiin iyo dagaaladda ka socdo Marinka Gaza una dhexeeyo Xamaas iyo Isra’iil,dagaaladaas ayaa waxaa ilaa hadda ku dhintay dad gaaraayo ilaa 34-kun oo qofoodd. Inta uu socdo shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka(OIC) ayaa waxaa la horgeyn doonaa seddex Dukumenti oo muhiim ah sida “Qaraar Qabyo ah kuna saabsan Fakastiin,Qabyo Qoraalka Banjul iyo Dukuminti kama dambeys ah”ayaa la horgeyn doonaa Golaha Wasiiradda Arrimaha Dibadda ka dib shir Madaxeedka si looga doodo. Shirkaan 15-aad ee Ururka Iskaashiga Islaamka(OIC) ayaa waxaa ka baaqday Madaxweyne JFS Md.Xasan Sheekh Maxamuud waxaane bedelkiisa shirka ka qeybgalay Reysal Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Saalax Jaamac Axmed,waxaane ka sii horeeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Md.Axmed Macallin Fiqi ey wehliyaan Md.Yuusuf Garaad Axmed ahne Wakiilka Gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Geeska Afrika,Badda Cas iyo gacanka Cadmeed iyo Marwa Fawsiya X.Aden ahne Musharaxa u taagan qabashadda Xilka Xogahayah Guud ee Ururka Midawga Afrika. Si kastaba ha ahaatee,shirkaan ayaa waxaa ka horeeyey mid kale oo ey shalay yeesheen Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee dalalka ku jira Ururka Iskaashiga Islaamka(OIC),Wasiiradda ayaa sheegay ineysan aqbaleyn fal xadgudub ku ah Madax banaanidda iyo wadajirka dhuleed ee dalka Soomaaliya,arrintaan ayaa xoojinayso guusha diblomaasiyadeed ee DFS ka gaartay Xad-gudubka Xabashidda.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

CATRIONA LAING OO DALKA SOOMAALIYA ISAGA BAXDAY WAA GUUL.

Next
Next

ISRA’IIL OO U HANJABTAY MAXKAMADDA CAALAMIGA AH.