ISRA’IIL OO BILILIQEYSATAY QALABKII TV-GA AL-JAZEERA.

(SAWIR)-KA.BOOLISKA ISRA’IIL OO DAABUNAYO QALABKII TV-GA AL-JAZEERA EE MAGAALADDA QUDUS.

(QUDS)-Wararka ka imaanayo magaaladda Qudus ee dhulka la haysto ee reer Falastiin ayaa sheegaayo in Ciidamadda Booliska Isra’iil iney gudaha u galeen Xafiiska Telefishanka Caalamiga ah ee AL-Jazeera ee dalka Qadar kuna yaalo magaaladda barakaysan AL-Qudus,askarta ayaa la wareegtay dhammaan Qalabkii Tv-gu uu ku shaqeynaayey maanta oo Axad ah(5/5/24)-ka waxyar uun ka dib markii ey dawaladda Isra’iil ey go’aan ku gaartay in la xiro Telefishanka AL-Jazeera. “kormeerayaasheyna ey taageerayaan Booliska waxay weerareen Xafiiska Tv-ga AL-Jazeera ee magaaladda Qudus waxayna ka qaateen dhammaan qalabkii yiilay halkasi”sidaas waxaa batiisa(X) ku soo daabacay Wasiirka Isgaarsiinta Isra’iil oo ah nin midigta fog Shlomo Karhi. Reysal Wasaare Netanyahu ayaa horaantii maanta oo Axad ah sheegay in dawladiisa ey go’aansatay iney xirto hawlgalka Tv-AL-Jazeera ee dhulka Isra’iil. Bishii hore Baarlamaanka Isra’iil ayaa meel mariyey sharci ogolaanayo in la xiro Tv-ga AL-Jazeer ee ka hawlgala dhulka Isra’iil.

ISHA/AA.

HALKAN KA AKHRISO.

Previous
Previous

MALAAQ LAGU DILAY DEGMADA BERDAALE.

Next
Next

AUSTRALIA: BOOLISKA OO TOOGASHO KU DILAY…