MALAAQ LAGU DILAY DEGMADA BERDAALE.

(SAWIR)-KA.xILDHIBAAN MAXAMED ABUUKAR CABDI.

(MUQDISHO)-Marka laga hadlaayo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa aan soo xusuusaneynaa wixii ka dhacay magaaladda Baydhabo ee hadda ah xarunta ku meel gaarka ah ee Maamulka KGS dhammaadka sannadkii 2022-kii waqtigaaso ayaa waxaa la weeraray Guri uu magaaladda ka kiraystay siyaasi u sharaxnaay xilka Madaxwynaha Koonfur Galbeed horayne u soo noqday Wasiirka Maaliyadda ee Dawladda Federaalka Soomaaliya xiligii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Md.Fargeeto ayaa lagu weeraray hoygii uu ka deganaay Baydhabo waxaane halkaas lagu dilay dad gaaraayo ilaa 12-qofood una badan ilaaladiisa ku sugneed hoygiisa Baydhabo,weerarkaas ayaa waxaa fuliyey ciidamo ka amar qaato MW-Laftgareen kana wada tirsan Daraawiishta KGS iyo ciidanka DFS kuna sugnaay Baydhabo. Berdaale waa degmo ka tirsan G/Baydhabo waxaane ilaa hadda ka taagan ismari waa maamul una dhexeeyo dadka degaanka iyo maamulka KGS gaara ahaan Wasiirka Amniga oo raba inuu xoog ku maquuniyo shacabka Berdaale dushana ka saaro masuuliyiin isaga uu wato,waxa ugu xun uu Wasiirka Amniga KGS sameeyey waxaa ka mid ah inuu argagixiso ku sheegay Macaawiisleyda reer Berdaale oo u badan beesha Laysaan,waxa eyna taasi sababtay in maanta gurigiisa lagu weeraro laguna dilo malaaqa beesha Laysaan Madnuur Yuusuf Maxamuud,arrintaan ayaa waxa ka hadlay malaaqa guud ee beesha Laysaan Malaaq Caddaw, Mlaaqa ayaa sheegay in dilka Malaaq Madnuur yahay mid lagula xisaabtami doono Mamulka KGS hogaankiisa uuna ugu horeeyo Laftagareen,dhinaca kale waxaa isna ka hadlay Xildhibaan Maxamed Abuukar Cabdi oo Beesha Laysaan ku metelo Golaha shacabka ee BJFS,Xildhibaanka ayaa sheegay iney tahay wax laga xumaado wixii ka dhacay degmada Berdaale maanta ee lagu dilay Malaaq Madnuur,waxa uuna masuuliyadda dilka Malaaqa dusha ka saaray MW-Laftagareen iyo maamulkiisa oo beryahaan degmada Berdaale ka weday maamul u sameeyn eysan raali ka ahayn dadka degaanka Berdaale. MW-Laftagareen ayaa sifa aan sharci ahayn waxa uu ku fadhiyaa kursiga Madaxweynaha KGS muddo dhan laba sano(2023 iyo 2024)-ka,mudda xilkeedka Laftagareen ayaa ku ekaay sharci ahaan Disembar-2022-kii balse waxa uu ka faa’iideystay khilaafka ka dhex jira DFS iyo maamulka Puntland kaaso aan weli wax xal ah loo helin halkiisiina taagan.

ISHA/HOL.

HALKAN KA AKHRISO.

Previous
Previous

NISA OO FASHILISAY DIL LOO MALEEGAYEY MAWAADIN.

Next
Next

ISRA’IIL OO BILILIQEYSATAY QALABKII TV-GA AL-JAZEERA.