AUSTRALIA: BOOLISKA OO TOOGASHO KU DILAY…

(SAWIR)-KA. GOOBTA EY WAX KA DHECEEN.

(AUSTRAIA)-Booliska dalka Australia ayaa toogasho ku dilay wiil 16-sano jir ah ka dib markii uu nin dhabarka kaga dhuftay Mindi,waxaane suurtagal ah in weerakaan uu ahaay mid aragagixiso. Wiilkan yar ayaa waxa uu wacay Booliska magaaladda Perth habeenimadii Sabtida xalay ahayd si uu ugu sheego inuu gaysan doono rabshado balse wiilkan yar ma uusan sheegin goobta uu ka gaysan doono rabshadda iyo qofka uu isagu yahay. Nin da’adiisa lagu sheegay inuu jiro sodon sano ayaa Mindida looga adeegto Kushiinka looga dhuftay dhabarka iyadoo Booliska lagu wargeliyey weerar ka dhacay goob baabuurta la dhigto,waxaane weerarka gaystay qof shacab ah. Goobta ey wax ka dheceen waxaa soo gaaray seddex askeri waxa eyna wiilka yar ku dhufteen (Tasers) oo ah qalab ey isticmaalaan ciidamadda Booliska qofkana ka dilaay dareenka xubnaha looga dhuftay,laakinse boolisk taas waa ey ku guul dareysteen,wiilka yar ayaa waxa uu isku dayey inuu aado dhinaca ciidamadda booliska isagoo gacanta ku sita Mindidii balse booliska ayaa xabad ku riday waane uu u geeriyooday. “Waxaa jira calaamado muujinaayo in wiilkaan yar lagu soo tashkiiliyey dhinaca Internet-ka”ayuu yiri Reysal Wasaraha Galbeedka dalka Australia Roger Cook,isaga oo intaas ku daray in weerarku u muuqdo mid kaligiis ficilka sameeyey,Taliyaha booliska Col Blanch ayaa sheegay in xubno la tirsan bulshada Muslimiinta ey horay walaac uga muujiyeen wiilkaan yar.

ISHA/SKY NEWS.

HALKAN KA AKHRISO.

Previous
Previous

ISRA’IIL OO BILILIQEYSATAY QALABKII TV-GA AL-JAZEERA.

Next
Next

WAX KA OGOW RAGA ADDUUNKA UGU HANTIDA BADAN.