WAX KA OGOW RAGA ADDUUNKA UGU HANTIDA BADAN.

(SAWIR)-KA.LABAD NIN EE ADDUUNKA UGU HANTI BADAN.

(USA)-Inta badan waxa aan ka hadalnaa arrimaha siysaasadda dalka Soomaaliya ee waqtigaas taagan haddii ey noqon lahayd dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab iyo is-haysashada hogaamiyeyaasha siyaasadda dalka eyna ugu horeeyaan kuwa lagu magacaabo iney yihiin Madaxweynayaasha Maamul goboleedyadda shanta ah ee midba gooni u socdo. Inaan ka hadlo waxyaabo kale oo khuseeyo nolosha bani’adamka waa wax aad u wanaagsan loona baahn yahay in laga hadlo lana sheego,hadaba maanta waxa aan ka haleynaa dadka alle uu hantida siiyey ee hogaamiyo dhaqaalaha adduunkan eynu ku noolnahay kuwa ey yihiin,waa ey fara badan yihiin dadka alle wax siiyey balse ma aha kuwa wada muuqdo oo la arki karo hantidooda. Waxaa jiro wargays si hoose ula socdo hantida ey leeyihiin kuwa caalamka ugu hanti badan wargayskaas waxaa la yiraahdaa”FORBES” waxa uuna ka soo baxa dalkaasi Maraykanka,waxa uu ka faaloodaa Hantiileyaasha caalamka intooda la ogyahay xogtooda banaankane ey taalo,wargayska ayaa xogtii ugu dambaysay waxa uu soo saaray taariikhdu markeey ahayd 1/5/2024-ka,waxa uuna soo qaatay magacyada ilaa Tobanka qof ee ugu hantida badan Adduunka,dadkaan ayaa u badan kuwa u dhashay dalka Maraykanka halkaasne ku leh shirkado caalami ah laakinse waxaa kaalinta koobaad ku hogaaminaayo nin u dhashay dalka Faransiiska oo 75-jir ah lana yiraahdo Bernard Arnault,ninkaan ayaa haysta lacag dhan $209.4-Bilyan,isha lacagta ayaa ah LVMH/Alaabadda lagu Raaxeysto,waxaane ku dhegan oo kaalinta labaad ku jira Elan Musk,oo Maraykan ah jirane 52-sano,Elan ayaa haysta lacag dhan $199.6-Bilyan,waxa uuna farqigooda yahay lacag dhan $9.8-Bilyan,Elan Musk ayaa iska leh Twitter hadane loo yaqaano X iyo baabuurta Tesla oo uu hadda u rogay iney ku shaqeyso korontada.

ISHA.AFRICA.

HALKAN KA AKHRISO.

Previous
Previous

AUSTRALIA: BOOLISKA OO TOOGASHO KU DILAY…

Next
Next

CATRIONA LAING OO DALKA SOOMAALIYA ISAGA BAXDAY WAA GUUL.