ISRAEL OO KA HADASHAY WEERARKII…
(SAWIRKA)-WEERARKII DUUFAANTA AL-AQSA.
(TEL AVIV)-Waxa aan la wada soconaa in Xarakada Xamaas ey weerar ku qaaday Isra’iil taariikhdu markeey ahayd 7/10/23-ka,weerarkaan ayey Xarakada Xamaas ku soo afduubtay Askar iyo dad kale oo shacab ah una wada dhashay dalka Isra’iil,hadaba su’aal ayaa waxa ey ka dhalatay sida ey Xarakada Xamaas ugu suurtgashay iney galaan gudaha Isra’iil soona qafaashaan Askar iyo dad shacab ah? Arrintaan ayaa waxa wax ka qoray Wargayska laga leeyahay dalka Israel ee THE TIMES OF ISRAEL waxa uuna Wargaysku hadalkiisa ku bilaabay Unugga sirdoon ee 8200 ee Militeriga ee la soo bandhigay ayaan ka hawlgelin meel u dhaw soohdinta Marinka Gaza subaxnimadii todobada bishii Oktoobar sababtoo ah go’aan laba sano jir ah oo lagu dhimay shaqaalaha laguna hakiyey hawgaladda dhaca habeenkii iyo dhammaadka todobaaka(Sabtida),edeyntan ayaa soo ifbaxday shalay oo Isniin ahayd. Talaabadaan ayaa waxaa tafaasiil ka bixiyey Telefishanka gaarka loo leeyahay ee KAN,habeenkii arrintu dheceysay ayey ciidamadu waayeen hanti muhiim ah oo ey ku dhegaystaan Telefoon iyo furahaba,waxaane laga yaabaa iney taasi sii kordhisay jahwareerkii iyo fawdadii sababay iney dib u dhacdo jawaab celintii ciidamaddii Milteriga taaso wax ku ool u noqon lahayd kuna saabsan weerarkii Xarakada Xamaas ee dhacay bishii hore ee Oktoobar. Subaxnimadii sabtida ilaa 3-kun oo Xarakada Xamaas ah ayaa waxa ey ka gudbeen xadka Gaza ee Koonfurta Isra’iil,waxa eyna xasuuqeen ugu yaraan 1,200-qofood oo u badnaay dad rayid ah kana kala yimid ilaa labaatan bulsho oo kala duwan waxa eyna Xarkada Xamaas qabsadeen 240-qofood oo Maxaabiis ah. Dad lagu qiyaasya 360-qofod ayaa lagu gawracay bandhig faneed ka dhacayey banaanka goob u dhaw cadka,waxaane qoysas lagu dhex gawracay guryahooda.
ISHA/THE ISRAEL.