BURCAD BADEED DIB UGA SOO CUSBONAATAY…
(SAWIRKA)-MARKABKA DAGAALKA EE MASON.
(PENTAGON-USA)-Wararka ka imanaayo caasimadda dalka Maraykaanka ee Washington ayaa sheegaayo in Wasaaradda Gaashaandhiga dalka Maryakanka ee Pentagon ey shalay oo Isniin ahayd ey shaaca ka qaaday in isku dayga lagu qabsaday Markabka Ganacsiga ee Central Park ee uu ka babanaayey calanka dalka Liberia ey fuliyeen burcad badeed Soomaali ah oo hubaysan oo aysan ahayn dagaalyahano ka tirsan kooxda iska caabinta Ansaarullaahi ee dalka Yeman. “Waan sii wedeynaa qiimaynta,laakinse calaamadaha ugu horeeyo ayaa ah in shantan qofood ee la qabtay ey yihiin Soomaali”afhayeenka Pentagon-ka Sareeya Guuto Patrick Ryder ayaa yiri sidaas habeenimadii Isniinta. S/G.Ryder oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”Sida cad waa dhacdo la xiriirta burcad badeednimada”,Central Park waxaa maamulo Zodiac Martitime Ltd,waxa eyna xaruntoodu tahay London ee dalka Ingiriiska,waa shirkada bixisa adeega Maareynta Maraakiibta Caalamiga ah eyna iska leeyihiin Qoys reer Isra’iil ah(Ofer).
ISHA/THE CRADLE.