Ismiidaamin siyaasadeed.

Farmajo-Mursal-Muudey.jpg

Dalka soomaaliya waxa uu ka mid yahay dalalka ka soo kabanaayo dagaaladda sokeeye waxaane soo maray dhawr dawladood oo kala duwan qaar eey yihiin ku meel gaar kuwa kalane eey yihiin federaal.Marka laga soo bilaabo xukuumaddii uu hogaaminaayey AUN-Col.C/laahi yuusuf ee uu R/W-ka noqday Prof.Cali Maxamed Geedi,markii dambane uu R/W-ka noqday AUN-Nuur Cadde,waxane meesha ka baxay MW AUN-C/laahi yuusuf waxaane booskiisa soo buuxiyey Sheekh Shariif Sheekh Axmed kaasoo ka yimid dhinaca mucaaraddkii Asmara ugu dambayntii doorashadii dhacday 2012-kii isagana looga adkaaday waxaane hogaanka dalka la wareegay MW xasan Sheekh Maxamuud waane xukuumaddii kaliyah eey soo maraan R/W-yaashii ugu badnaay waxaane isaga kala dambeeyey R/W-yaasha kala ah Saacid iyo C/weli(Yuulka),R/w-yaashaan waxaa kalsoonida kala noqday baarlamaanka soomaaliyeed ee jiray waqtigaas,waxaane in la xuso u baahan in wada tashi lala galay beesha eey ka soo jeedaan bacdamaa eey kursiga ku fadhiyeen habka soomaalidu awooda ku qeybsato ee ah(4.5).Sababta keentay in xilka laga qaado R/w-re Saacid ayaa lagu sheegay ineey ahayd arrin la xiriirta maamulka Jubaland kaasoo dhismay 2013-kii madaxweynane loo doortay Axmed Madoobe,R/W-re Saacid oo aad ugu kuurgeli rabay qaabka doorashadda ee Axmed Madoobe ee waqtigaas ayaa waxa uu caqabad adag kala kulmay madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisii ku hareersanayd gaar ahaan wasiirul dawlihii madaxtooyada ee watigaas Xildhibaan Faarax sheekh C/qaadir kaasoo arrintaas xalkeeda kaga degay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa kalana soo xaajooday wasiirkii arrimaha dibadda ee dalkaas Hailamariam iyo Gen.Gabre oo Faarax ka raacay Muqdisho go’aankiina waxa uu noqday in R/W-re Saacid loo adeegsado baarlamaanka ayadoo gacan laga helaayo xukuumadda itoobiya oo waqtigaas siyaasadda soomaaliya ku lahayd door muuqda sida haddaba taagan.

Haddii aan u soo laabto wixii shalay ka dhacay golaha shacabka oo aan ugu yeeray” ISMIIDAANIM SIYAASADEED” ayaa qabsatay dhammaan warbaahinta gudaha,dibadda iyo baraha bulshada,ajandaha ayaa ahaay in laga doodo doorashooyinka balse waxaa lala soo baxay ajande qarsanaay oo ah in cod loo qaado xukuumadda uu hogaamiyo R/W-re xasan cali khayre,arrinta la yaabka leh ayaa ah lama sheegin tiradda xildhibaanada soo xaadirtay ka hor inta aan lagu dhawaaqin natiijadda tirinta codadka,tan kale qodobka 69-aad faqradiisa(C) ayaa waxa eey R/W-raha u ogolaaheysaa inuu iska difaaco eedaymaha loo soo jeediyey markaas ka dibne la geliyo cod ka dibne lagu dhawaaqo natiijadda codkii la qaaday intaas ma aysan dhicin bedelkeedana waxa uu noqday in mudane Mursal qol galo una yeerto warbaahinta kuna dhawaaqo in xukuumaddi lagala laabtay kalsooonidii ayadoo R/W-rihii uusan weli ka soo laaban Dh/Mareeb. Mw Farmaajo isla markiiba waa uu ogolaaday wixii ka soo baxay golaha shacabka ee ahaay in kalsoonidii lagala laabtay R/W-re Khayre sidaasne xukuumadiisa meesha uga baxday,saacado ka dibne MW-farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay inuu xilka sii haayo R/W-re ku xigeenka inta laga magacaabaayo R/W-re cusub. Hadaan dib isu xusuusino gudoomiye Mursal markii uu qabtay mooshinkii laga keenay MW-Farmaajo waa ogayn wixii ka dhacay madaxtooyadda iyo wixii la marsiiyey gudoomiye Mursal ayadoo waqtigaas MW-Farmaajo lagu haayey qodobo dastuuri ah uu ku waayi lahaay xilkiisa,waxaane weli taagan oo aan la hilmaamin qodobadii uu jebiyey MW-Farmaajo,maxaa hadda ka socdo madaxtooyadda una baahan inaan wax ka sheegno?

Maanta waxaa goboladda dalka qaarkood iyo Muqdisho ka go’an internet-ka mana jirto cid eheladooda ku sugan dibadda la soo xiriiri karaan anagoo og in asbuucaan dhammaadkiisa ku beegan tahay ciidii carafo qoys kasta oo heli karo xaqal ciid inaan maanta la wici karin waayoo internet ayaan jirin,dawladda soomaaliyeed waa eey ka hadashay waxa eeyna sheegtay in eey jirto cilad farsamo balse aan la aqoon waqtiga laga bixinaayo,dadka wax falanqeyo ayaa qaba in arrintaan daba socoto ceyrintii shalay la ceyriyey R/W-re Khayre loogana hortegaayo inaaney dhicin kulano siyaasadeed oo looga hadlaayo sidii laga yeeli lahaay Gudoomiye Mursal iyo ku xigeenkiisa Muudeey ka dibne loogu gudbi lahaay MW-Farmaajo waane eey u eg tahay waayoo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka mudane Mahad Cawad oo lagu tirinaayo inuu u janjerero dhinaca R/W-re Khayre ayaa maanta waxa uu xabsi guri ku yahay halka uu ka degan yahay madaxtooyadda, berri uu jiro kal fadhi lama hubo inuu gudoomiye Cawad ka qeygeli doono iyo in kale waayo xabsi guri(House Arrest) ayuu ku jiraa,arrinta kale ee ayana maanta ka dhacday Madaxtooyadda ayaa ah in ilaaladii R/W-re khayre loo diiday ineey soo galaan madaxtooyada ka dib markii uu amar ku bixiyey agaasimaha madaxtooyada Fuursade,caawa ma jiro siyaasi amaba shaqsi caadi ah oo jooga Muqdisho oo la wici karo isagana wax wici kara waxa eeyna u eg tahay in waxa hadda ka socodo Muqdisho yihiin wixii ka dhacay addis.

Previous
Previous

Garsoorka Dalka ka Jira.

Next
Next

Qxooti Rohinga oo…