Garsoorka Dalka ka Jira.

Dawladda waxa eey ka kooban tahay seddex qeybood oo waa weyn kalana ah:

1-Sharci Dejinta(Baarlmaanka).

2-Fulinta(Golaha wasiiradda).

3-Garsoorka.

Dalka soomaaliya ma laha maxkamada dastuuriga ah,gudiga adeega garsoorka taas bedelkeeda waxaa la magacaabaa Gudoomiyaha maxkamada sare iyo xeer ilaaliyaha qaranka mana aha kuwa ka madax banaan hayadda Fulinta.

25/72018-kii,MW Farmaajo ayaa waxa uu gudoomiyaha maxakamada sare ee dalka u magacaabay garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed,Baashe ayaa dhashay 25/6/82-dii waxa uuna ku dhashay gobolka waqooyi galbeed ee hadda loo yaqaano soomaaliland,Baashe ayaa waxa uu ka qalinjebiyey Jaamicadda Hargaysa oo la furay wixii ka dambeeyey 1991-dii,Baashe ayaa waxa uu ka mid ahaay golaha dhexe ee xisbiga Wadani ee ka dhisan soomaaliland ka hor inta aan loo magacaabin xilkaan gudoomiyaha maxakamada sare ee dalka.

21/4/2020-ka,gudoomiyaha maxkamada sare mudane Baashe ayaa waxa uu shaqa joojin ku sameeyey gudoomiyaha maxkamada gobolka banaadir mudane Muuse Macallin maxamed,mudane Muuse ayaa waxaa wareegto ku magacaabay MW Farmaajo taariikhdu markeey ahayd 14/7/2018-kii,waane go'aan qaadasho laga dheehan karo in gudoomiyaha maxkamada sare mudane Baashe yahay midaan waxba kala socon shuruucda dalka iyo inuu yahay nimeey liidato khibradiisa dhinaca sharciga ah balse kursiga loogu fadhiisiyey arrimo siyaasadeed,sababta keentay in gudoomiyaha maxkamada sare isku dayo inuu shaqada ka joojiyo gudoomiyaha maxkamada gobolka banaadir mudane Muuse ayaa lagu sheegay ineey tahay mid muddo soo jiitamayasay kuna saabsan dacwooyinka la xiriiro hantida ma guurtada ah ee gobolka banaadir.

27/4/2020-ka,MW Farmaajo ayaa shaqo joojin waxa uu ku sameeyey gudoomiyaha maxakmada sare ee dalka mudane Baashe sabab la xiriirto khilaafka soo kala dhexgalay isaga iyo gudoomiyaha maxkamadda gobolka banadir mudane Muuse.

14/5/2020-ka,MW Farmaajo ayaa waxa uu wareegto ku magacaabay gudoomiyaha maxkamada gobolka banaadir oo loo magacabay garyaqaan Cabdikhadar Maxamed xasan iyo gudoomiyaha maxkamada racfaanka gobolka bnaaadir oo loo magacabay garyaqaan Maxamed Axmed Cismaan,wareegta kasta oo lagu magacaabo garsoore waa mid uu lahaay talo soo jeedinteed gudoomiyaha maxkamad sare mudane Baashe.

25/11/2019-kii,wareegto ka soo baxday xafiiska MW Farmaajo ayaa waxaa lagu magacaabay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka waxaane loo magacaabay mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud waxa uuna bedelay Dr.Axmed Cali Daahir oo ahaay xubin firfircoon oo ka dhexe muuqday gudigii metelaayey soomaaliya dacwadii la xiriirtay badda soomaaliya.

6/7/2020-ka,waxaa eedeeyn aad u kulul loo soo jeediyey gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka mudane Baashe waxaane eedayntaas u soo jeediyey 21-garsoore oo ka hawlgelaayey maxakamada gobolka banaadir iyo maxkamado ku yaalo degmooyinka gobolka banaadir,garsoorayaashaas ayaa waxaa shaqo joojin ku sameeyey gudoomiyaha maxkamada sare mudane Baashe,waxayne garsooreyaashu sheegeen in mudane Baashe booskooda geliyey dad isaga ku hayb ah.

Gudoomiyaha maxkamad sare iyo garsooraha maxkamada gobolka banaadir ayaa ah kuwa ka soo wada jeedo gobolka waqooyi galbeed ee hadda loo yaqaano soomaaliland,waxaane la soconaa in dalka soomaaliya waqtigaan aan joogno qaabka awood qeybsigiisa yahay mid ku dhisan qabiil(4.5) taasne kama shaqeyso gobolka banaadir halka gobolada leh maamul goboleed uusan ka jirin xadgudubka ka taagan nidaamka awood qeybsiga gobolka banaadir oo wax kasta gacanta ugu jiraan dawlada federaalka soomaaliyeed,waane taas tan keentay in dawlad kasta oo dalka ka hana qaada is hortaag ku sameeyso in gobolka banaadir yeesho maamul madax banaan.

Hadaba dhawr maalmood ka hor ayaa waxa Tv-ga qaranka ee SNTV laga soo daayey barnaamij cinwaan looga dhigay" AABE KU DHAWAAD LABA SANO SHARCI DARRO KU XIRNAA OO XURIYADIISA DIB U HELAY" barnaamijka ayaa lagu amaanaayey wax qabadka dhinaca garsoorka ah eey qabteen gudoomiyaha maxkamada sare mudane Baashe iyo xeer ilaaliyaha qaranka mudane sulaymaan,markaad dhegeaysatid barnaamijka ma maqleeysid cidda xirtay cideey tahay(Magaca) sababta xirigiisa,waane la fahmi karaa in Tv-ga qaranka noqday mid gacanta ugu jiro masuuliyiin ka soo jeedo waqooyi galbeed soomaaliya seey rabaane ka yeela warbaahintii qaranku lahaay.

Somaalida ayaa tiraah"GEEL CARUURI QAADAY MA DHEERA",maanta oo Arbaca ah kuna beegan 23/7/20-ka ayaa TV-ga gaarka loo leeyahay ee Dalsan kana hawlgala magaaladda muqdisho ayaa waxa uu sii daayey barnaamij loogu magac daray" GURI KU DHEGAN DHISMAHA MAXKAMADDA GOBOLKA BANAADIR OO QOYS BNAAADIRI AH EEY SHEEGAYAAN IN LAGA HAYSTO MUDDO DHAN 30-SANO",barnaamijkaan ayaa waxa uu banaanka keenaa fadeexadda eey lugaha kula jiraan masuuliyiintii SNTV loogu samayhaayey dicaayadda ee kala ah gudoomiyaha maxkamadda sare Mudane Baashe iyo xeer ilaaliyaha qaranka mudane Sulaymaan,fadlan walaalayaal dhegaysta labada video-ba kana dhiibta ra'ayigiina adinkoon cidna u eexan cidna necbaysan,anigane ma ihi shaqsi yaqaan dadkaas soomaaliyeed ee sharciga loogu kala hiiliyey ayadoo lagu xumeyhaayo gudoomiyihii hore ee maxkamadda gobolka banaadir mudane Muuse Macallin Maxamed oo xilkiisa ku waayey soo jeedinta gudoomiyaha maxkamada sare mudane Baashe iyo xeer ilaaliyah qaranka mudane Sulaymaan,haddii ujeedka xilka looga qaaday Mudane Muuse ahaay sidaan in la sameeyo ceebo fara badan ayaa soo socdo kuna noqon doono cidii keentay una dhiibtay xilkaas eeysan lahayn aqoontiisa iyo khibradiisa. Click-gareey link-ga hoose si aad u dhegaysatid video-ga. MAHADSANID.

Previous
Previous

Xilka Qaadis…

Next
Next

Ismiidaamin siyaasadeed.