ISMAACIIL HANIYAH OO LAGU DILAY DALKA IRAAN.
(SAWIRKA)-ISMAACIIL HANIYAH IYO MW-PEZESHKIAYN.
(TEHRAN)-Wararka ka imaanayo caasimada dalka Iraan ayaa sheegaayo in Ilaaladda Kacaanka dalkaasi Iraan ey sheegtay in Hogaamiyaha Siyaasadda Xarakadda Xamaas Ismaaciil Haniyah lagu dilay magaaladda caasimadda ah ee Tehraan. Ma jirto cid si deg deg ah u sheegatay masuuliyadda dilka Haniyah,balse shakiga ayaa isla markiiba ku dhacay Israa’iil oo wacad ku martay iney dili doonto Ismaaciil Haniyah iyo Hogaamiyeyaasha kale ee Xarakadda Xamaas,sababo la xiriira weerarkii ey Xarakadda ku qaaday Israa’iil 7-dii Oktoobara-2023-kii,werarkaas ey ku dhinteen 1200-Qof Israa’iiliyiin ah lana qafaashay 250-Qof kale oo Israa’iiliyiin ah,hadalka ka soo baxay dalka Iraan ayaan wax tafaasiil ah ka bixinin qaabka loo dilay Hogaamiye Ismaaciil Haniyah. Tv-ga Qaranka ee Iraan ayaa sheegay dhimshadiisa subaxnimadii hore ee Arbacadda,falaqeyeyaasha ayaa isla makiiba bilaabay iney Israa’iil ku eedeeyaan weerarkaas lagu dilay Ismaaciil Haniyah. Israa’iil lafteeda isla markiiba kama eysan hadlin laakin inta badan Israa’iil kama hadasho marka ey timaado dilka ey fuliyaan hayadahooda Sirdoonka sida Mossad oo ka hawlgasha dibadda fulisane dilalka qorsheysan. Israa’iil ayaa looga shakisan yahay iney wado olole dil ah oo sannado badan socday kaaso lagu bartilmaameedsaday Saynisyahanadda Nukliyeerka Iraan iyo kuwa kale oo lala xiriirinaayo Barnaamijyadda Nukliyeerka. Ololihii ey waday tan iyo markaas Israa’iil waxay dishay in ka badan 39,360-Falastiiniyiin ah,waxayna dhaawacday in ka badan 90,900-qof sida ey sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza,kuwaaso tiradooda aan u kala soocin rayid iyo dagaalyahano. War ey hadda soo saartay Xarakadda Xamaas ayey ku sheegtay in Ismaaciil Haniyah lagu dilay weerar ey Israa’iil ka gaysatay caasimadda dalka Iraan ee Tehraan. Xubin ka tirsan Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas lana yiraahdo Muusa Abu Marzuuq ayaa xaqiijiyey in dilka Madaxii Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas uu yahay fal fulaynimo ah oo aan noqon doonin mid aan waxba tarayn. Xarakadda Xamaas ayaa bayaan ey soo saartay Arbacadda ku sheegtay in Hogaamiyahooda Ismaaciil Haniyah lagu dilay Caasimadda dalka Iraan ee Tehraan. Xarakadda Xamaas ayaa bayaanka ey soo saartay ku sheegtay in Ismaaciil Haniyah lagu dilay weerar khiyaano ah oo ey Sahyuuniyaddu ku qaaday hoyga uu ka degan yahay caasimadda Tehraan. Ilaaladda Kacaanka Iraan ayaa goor sii horeysay shaaca ka qaaday in Hogaamiyihii Xarakadda Xamaas ee reer Falastiin Ismaaciil Haniyah lagu dilay Magaaladda Tehraan isaga iyo mid ka mid ah ilaaladiisa. War qoraal ah ey soo saartay ilaaladda Kacaanka Iraan laguna daabacay bogga ey ku leeyihiin Internet-ka ayaa lagu yiri”Hoyga uu degan yahay Ismaaciil Haniyah oo ah Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas ayaa lagu duqeeyey magaaladda Tehraan,taaso keentay in isaga iyo mid ka mid ah ilaaladiisa la duqeeyo isla goobtana ey ku shahiidaan”.ayaa lagu yiri bayaanka. Haniyah ayaa markii ugu dambeysay uu ka soo muuqdo magaaladda Tehraan ahayd xafladii caleema saarka Madaxweynaha Cusub ee dalka Iraan Mascuud Pezeshkiyan,taaso ka dhacday gudaha baarlamaanka dalka Iraan. Muusa Abu Marzuuq oo xubin ka ah Xafiiska Siyaasadda Xarakadda Xamaas ayaa xaqiijiyey in dilka Haniyah uu ahaa fal fulaynima ah oo aan waxba tareyn. Xarakadda Xamaas ayaa ku dhawaaqday in la dilay Madaxii Xafiiska Siyaasadda Ismaaciil Haniyah ka dib weerar ey Israa’iil ku qaaday magaaladda Tehraan,halka ilo wareedyo kale sida AL-Carabiya iyo AL-Xadath ey xaqiijiyeen in dilka Madaxii Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas uu ka dhacay goobtii uu ka deganaay magaaladda Tehran. Ila wareedkan ayaa sidoo kale xaqiijiyey in dilka Ismaaciil Haniyah uu dhacay 2-dii duhurnimo waqtiga Tehraan iyadoo gentaal toos ah lagu dhuftay Jirkiisa. Ilo wareedkan ayaa sidoo kale sheegay in Ismaaciil Haniyah iyo saaxibkiis Wasiim Abu Shacbaan la dilay iyadoo lala beegsaday gentaal guri ey magaaladda Tehraan ka deganaayeen.
ISHA/SUUQBACAAD MEDIA.