FALCELINTII KA DHALATAY DILKII HANIYAH.

(SAWIRKA)-ISMAACIIL HANIYAH.

(MUQDISHO)-Wararka caalamka ee ka baxa Idaacadaha iyo Tv-yada waxaa qabsaday hadal haynta la xiriirta dilkii caasimadda Iraan ee Tehraan aroornimadii saakay oo Arbaca ah loogu gaystay Hogaamiyihii Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas Ismaaciil Haniyah,dilkaan ayaa sida la sheegay waxaa fulisay diyaarad aan duuliyaha wedin welina aan la aqoonsan halka ey ka soo duushay balse la isla dhexmaraayo iney tahay mid la soo duushay gudaha dalka Iraan. Weerarkaan lagu beegsady Ismaaciil Haniyah ayaa imaanayo waqti la isu diyaarinaayey in wada hadal laga galo sii deynta dadka lagu haysto Marinka Gaza iyo Xabad joojin ka dhacda Marinka Gaza, wada hadaladda u dhexeyo Israa’iil iyo Xarakadda Xamaas ayaa waxaa garwadeen ka ah dalalka Maraykanka.Qadar iyo Masar. Hadaba dilkii maanta loo gaystay Ismaaciil Haniyah ayaa dhaliyey falcelin aad u kala duwan kana timid dhinacyo badan oo ku lug leh arrimaha hadda ka taagan Gobolka Bariga dhexe Sida: (1)-Iraan,Hogaamiyeyaasha dalka Iraan ayaa Wacad ku maray “Ciqaab Adag” in la marsiin doono kuwii ka dambeeyey dilka Ismaaciil Haniyah oo ey ula jeedaan Israa’iil. (2)-Falastiin,Madaxweynaha Dawladda Falastiin Md.Maxamuud Cabaas ayaa dilka Ismaaciil Haniyah ku tilmaamay inuu yahay Mid fulaynima ah. (3)-Qadar iyo Turkiga, labadaan dal ayaa dilka Haniyah ku sheegay inuu uga sii dari doono xaalka Gobolka waxa eyna ka digeen Qalalaasa hor leh oo ka dhaca Gobolka Bariga dhexe. (4)-Maraykanka, dalka Maraykanka oo ka mid ah wadamada daneynaayo in la joojiyo dagaalka Marinka Gaza saaxib dhawne la ah Israa’iil ayaa si cad isaga fogeeyey inuu wax ka ogaay kuna lug leeyahay dilka loo gaystay Ismaaciil Haniyah balse ma uusan cambaareyn dilka Haniyah waxa uuna ku baaqay in la sameeyo Xabad Joojin. (5)-Ruushka iyo Shiinaha, labadaan dal oo si dhaw xulafa ula ah dalka Iraan ayaa si adag u cambaareeyey dilka Ismaaciil Haniyah ee ka dhacay gudaha caasimadda Tehraan. (6)-Wadamadda Gobolka Bariga dhexe, dalalka Goblka oo dhan ayaa si gaar ah waxa ey uga naxsan yihiin dilka Haniyah ee dhacay aroortii hore ee maanta waxa eyna wadnaha farta uga hayaan in Gobolka Bariga dhexe uu noqon doono goob la isku fara saaro uuna dagaalka u soo gudbo dalalkooda hadda nabdoon. (7)-Taageerayaash Xamaas, meel kasta oo ey adduunka uga sugan yihiin taageerayaasha Xamaas waxa ey ku baaqeen in la isugu soo baxo banaanbaxyo waa weyn adduun dacaladiisa si loo cambaareeyo dilka Ismaaciil Haniyah.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

RW-XAMSE OO DHIIRIGELIYEY CIIDAMADA DANAB.

Next
Next

ISMAACIIL HANIYAH OO LAGU DILAY DALKA IRAAN.