MASJID SOUTHPORT UK OO DAAQADAHA LAGA JEJEBIYEY.

(SAWIRKA)-RABSHADIHII MAANTA KA DHACAY SOUTHPORT UK.

(LONDON)-Koox xagjir ah oo Midigta fog ah oo ku dhawaaqeysa “Ingiriis ilaa aan ka dhinto”ayaa isku dhac dhexmaray booliska rabshadaha ka hortago banaanka Masaajid ku yaalo Magaaladda Southport ee dalka Boqortooyadda Ingiriiska maanta oo Talaada ah,ka dib markii olole macluumaad khaldan uu sheegay inan 17-jir ah oo seddex caruur ah ku dilay goobta qoob ka ciyaar Taylor Swift,fasalku wuxuu ahaa Muslim. Boqolaal rag ah oo wejiyadda soo duubtay ayaa isugu soo baxay banaanka hore ee Masjidka Bulshada Islaamka ee Southport goor dambe oo Talaadada maanta ah,wax yar saacad ka dib markii kumanaan qof ey isugu soo bexeen meel u dhaw si ey u muujiyaan feejignaan ey ku muujinayaan dhibanayaasha weerarki dhacay Isniintii shalay ahayd. Rag badan oo wejiyadda soo duubtay ayaa la arkaayey iyagoo Booliska rabshadaha ka hortago tuuryeynaayo,wax yar ka hor inta aaney dab qabadsiin gaaro Booliska iska leeyahay. Sida ey sheegtay Idaacadda BBC-da,waxaane la jebiyey qaar ka mid ah daaqadaha Masjidka inta ey hawsha socotay.

ISHA/MEE.

SII AKHRI.

Previous
Previous

ISMAACIIL HANIYAH OO LAGU DILAY DALKA IRAAN.

Next
Next

WASIIRKA ISGAARSIINTA IYO TEKNOLOJIYADDA OO KA QEYBGALAY