IRAAN OO DIL KU FULISAY DAD..
IRAAN.
(TEHRAN)-Afar nin oo reer Iraan ah oo lagu edeeyey ineey sir la wadaageen Israel ayaa maanta oo Axad ah lagu fuliyey dil toogasha ah,wax ka yar todobaad ka dib markii maxkamada ugu sareeyso dalka Iraan ayiday dilka lagu xukumay. Warbaahinta Mizan lana xiriirta hayadaha cadaaladda dalka Iraan ayaa sheegtay in xukunka la fuliyey waqti gaaban ka hor saakay oo Axad ah,Shaqsiyaadka lagu fuliyey dilka ayaa lagu soo edeyey ineey burburiyen hanti guud iyo mid gaar ahba,waxa eyna gaysteen afduub iyo ineey sameeyeen qiraal been ah,sidaas waxaa sheegay hayadaha cadaaladda dalkaasi Iraan.
ISHA WARKA AA.