IMAARAATKA CARABTA OO DOONEYSA IN LOO..

(SAWIRKA)CALANKA IMAARAATKA CARABTA.

(LONDON)-Sida aad la socoteen maalmihii la soo dhaafay waxa aan ka hadleynay arrimo la xiriira xarig loo geystay wiil uu dhalay Caalimkii weynaa ee reer Masar AUN-Sheekh Yusuf AL-Qaradaawi,wiilka Sheekha ayaa lagu xiray dalka Lubnaan 28-kii bishii hore ee Disembar-2024-ka isaga oo ka soo laabtay dalka Suriya ka dib markii xukunka dalkaasi laga tuuray Madaxweynihii hore ee Suriya Bashaar AL-Asad 8/12/2024-kii. Gabyaa C/raxmaan Sheekh Yusuf AL-Qaradawi oo u xirnaay Xukuumadda Lubnaan muddo dhan toban maalmood ayaa shalay soo saaratay go’aan ey gaareen Golaha Xukuumadda Lubnaan kuna saabsan sida laga yeelaayo C/raxmaan AL-Qaradawi,waxaane la go’aamiyey in C/raxmaan AL-Qaradawi loo musaafuriyo dalka Isutaga Imaaraatka Carabta in kasta oo aan la sheegin goorta la musaafurinaayo,arrintaa ayaa timid ka dib markii dawladaha Imaaraatka iyo Masar ey dawladda Lubnaan ka dalbadeen in C/raxmaan AL-Qaradawi loo soo gacangeliyo,balse arrinkaas ayaa waxaa ka horyimid Hayada u dooda Xuquuqda Bani’adanka ee Amnesty International iyo Qareenka C/raxmaan,hadaba maxaa maanta soo kordhay? Dalka Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa soo saaray Liis dheer ey ku qoran yihiin dad gaaraayo ilaa 11qofood iyo 8-Hayaddo oo xiriir la leh Ururka Ikhwaanul Musliimka kaaso dalka Imaaraatka looga aqoonsan yahay Urur Argagixiso,sidaas waxaa lagu sheegay Qaraarka tirsigiisu yahay(1) ee sannadka 2025-ka kana soo baxay Golaha Wasiiradda Imaaraatka Carabta ee ku saabsan Ansixinta Liiska Shaqsiyaadka iyo Ururadda Argagixisada, Liiskaas ayaa waxaa ku jiro 11-Qofood iyo 8-Hayadood oo lagu daray Liiska Argagixsada Maxaliga ah sida waafaqsan shuruucda iyo sharciga dalka Imaaraatka Carabta. Go’aanku wuxuu ku yimid qaab dhismeedka dadaaladda wadajirka ah ee Imaaraatka Carabta iyo heer Caalamiba si toos ah iyo si dadbanba in loo bartilmaameedsado loona carqaladeeyo shabakadaha ku xiran maalgelinta Argagixisada iyo hawlaha la xiriira. Iyadoo la fulinaayo go’aankii Golaha Wasiiradda dalka Imaaraatka Carabta,Hayadaha Maaliyadeed iyo Hayadaha Sharciga dalka Imaaraatka Carabta waa iney fuliyaan oo ey qaadaan talaabooyin lagama maarmaan ah si waafaqsan shuruucda iyo Shuruucda dalka lagu dhaqo. Liiska shaqsiyaadka Imaaraadku ku eedeeyey iney yihiin Ikhwaanul Musliim ayaa waxaa ka mid ah:

(1)-Yuusuf Xasan Mulla, u dhashay dalka Laybeeriya,hadane haysta dhalashadda dalka Sweden.

(2)-Siciid Khaadim Axmed Bin Dhooq AL-Mari, u dhashay Imaaraat hadana haysta dhalashada dalka Turkiga.

(3)-Ibrahim Axmed Ibrahim Cali AL-Xamaadi, u dhashay Imaaraat hadana haysta dhalashad dalka Sweden.

(4)-Ilhaam Cabdallah Axmed AL-Hashimi, u dhalatay Imaaraatka.

(5)-Jaasim Raashid Khalfaan Raashid AL-Shaami, u dhashay Imaaraatka.

(6)-Khaalid Cubeyd Yusuf Bu Cataabah AL-Zacaabi, u dhashay Imaaraat.ka.

(7)-C/raxmaan Xasan Muniif Cabdallah Xasan AL-Jaabiri, u dhashay Imaaraatka.

(8)-Xamiid Cabdallah C/raxmaan AL-Jarman AL-Nuceymi, u dhashay Imaaraatka.

(9)-C/raxmaan Cumar Saalim Baa Jaabiri AL-Xadarmi, u dhashay Yaman.

(10)-Cali Xasan Cali Xuseen AL-Xamaadi,u dhashay Imaaraatka.

(11)-Maxamed Cali Xasan AL-Xamaadi, u dhashay Imaaraatka.

Dalka Imaaraatka Carabta ayaan sheegin magacyadda Hayaddaha maalgeliyo Ikhwaanka kuwaaso gaaraayo ilaa sideed hayadood.

ISHA-AA.

Previous
Previous

EGYPT AIR OO SI DEG DEG AH UGU DEGTAY JIDDAH.

Next
Next

WASIIR FIQI OO GAARAY KAMPALA KAGANA QEYBGE..