WASIIR FIQI OO GAARAY KAMPALA KAGANA QEYBGE..

(SAWIRKA)-HOTEL-KA SHIRKA UU KA DHACAAYO.

(KAMPALA-UG)-Ugu yaraan laba kun ergo dhan ayaa todobaadkan ka qeyb gelaya shir Madaxeedka aan caadia ahayn ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha Qaaradda Afrika ee Post Malabo(CAADP) ee KAMPALA. Kulanka oo ka dhici doona Hotel-ka Speke Resort ee Munyonyo inta u dhexeyso 9-ka ilaa 11/1/2025-ka,waxaa kaloo ka mid ah waxyaabaha looga hadli doono shirkaan go’aan ka gaarista Istaraatiijiyadda Amniga Cuntada ee Qaaradda Afrika ee tobanka sano ee socoto,munaasabadaan ayaa waxaa si wadajir ah u soo qaban qaabiyey Gudiga Midawga Afrika Waaxda Beeraha ee Horumarinta Miyiga ee dhaqaalaha Buluuga ah iyo degaanka Joogtada ah(DARBE) iyo Wakaaladda Horumarinta Midawga Afrika,Iskaashiga Horumarinta Afrika(AUDA-NEPAD). 9-ka Bishan waxaa kulmi doono Wasiiradda Beeraha ee dalalka Qaaradda Afrika iyo Khubaro dhanka Beeraha ah,halka maalinta xigta ee ah 10-ka bishan Janaayo ey Wasiiradda Arrimaha Dibadda Afrika la kulmi doonaan Dhigooda Beeraha,maalinta ugu dambeysa 11-ka Bishan Janaayo waxaa kulmi doono Madaxda Dawladdaha iyo Madaxweynayaasha ka qeybgelaayo Shir Madaxeedka aan caadiga ahayn ee Midawga Afrika. Gudoomiyaha Ilaalinta Dalaga Beeraha dalka Ugandha Stephan Byantwale ayaa yiri”Wufuudu waxa ey Ansixin doonaan Qabyo Qoraalka Baaqa Kampala CAADP kaaso bixinaayo aragtida wax ka bedelka Nidaamka Beeraha Afrika ee mudada 2026 ilaa 2035-ta. Waxay sidoo kale Ansixin doonaan Qorshaha CAADP ee toban sano ah iyo Qorsha hawleed kaaso faahfaahin ka bixinaayo sida loo gaari lahaa Yoolka iyo Bartilmaamedyada Bayaanka Kampala CAADP ee Qabyada ah”.

ISHA-ALLAFRICA.

HALKAN KA AKHRISO.

Previous
Previous

IMAARAATKA CARABTA OO DOONEYSA IN LOO..

Next
Next

HIIRAAN STATE OO EY U DHAMAATAY.