EGYPT AIR OO SI DEG DEG AH UGU DEGTAY JIDDAH.
(SAWIRKA)-SHIRKADA DIYAARADAH DALKA MASAR.
(JEDDAH-KSA)-Shirkadda Diyaaradaha dalka Masar ee Egypt Air ayaa maanta oo Arbaca ah sheegtay in duulimaadkeedii uu tirsigiisu ahaa MS852 oo ka soo duushay Garoonka Diyaaradaha ee Caalamiga ah ee Addis Ababa kuna sii socotay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Qaahira ee caasimadda dalka Masar lagu qasbay iney si deg deg ah ugu degto Garoonka Caalamiga ah ee Jiddah ee dalka Boqortooyadda Sacuudiga,waxaane diyaaradda saarnaay dad gaaraayo ilaa 85-qofood,diyaaradda ayaa nuuceedu ahaa B737-800, go’aanka soo degista ayaa ahaa si loo sameeyo qaar ka mid ah hababka Farsamada Diyaaradda si loo hubiyo badbaadad rakaabka iyo diyaaradda. Shirkadda Diyaaradaha dalka Masar ee Egypt Air ayaa xaqiijisay iney la tacaalayeen dhammaan xirfadahooda iyo daryeelkooda,maadaam loo qeybiyey laba duulimaad oo ka baxaayey magaaladda Jiddah kuna jeeday magaaladda Qaahira,labada duulimaad ayaa kala ah MS1662 iyo MS668. Egypt Air bayaan ey soo saartay waxay ey carabka ku adkeysay in badbaadada rakaabka ey mar walba tahay mudnaanta koowaad,iyadoo ku nuuxnuuxsatay sida ey uga go’an tahay ku dhaqanka heerka ugu sareeyo ee badbaadada iyo Amniga Caalamiga ah dhammaan hawleheeda shaqo. Shirkada Egypt Air waxa ey raaligelin ka bixisay dhib kasta oo ka dhashay arrintaan dhacday,iyadoo dhinaca kale sheegtay iney sii wadi doonto adeegyadeeda heerkii ugu sareeyey waxa eyna hubineysaa raaxada iyo badbaadada dadka safarka ah.
ISHA-WAKAALADO.