IGAD OO QABANEYSA SHIR AAN CAADI AHAYN.

(SAWIRKA)-MADAXWEYNAHA K/SUDAN SALVA KIIR.

(ADDIS ABABA)-Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu wadaa in uu qabto shir Madaxeedkii 43-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda dalalka Xubnaha ka ah Ururkaas, kaasoo looga hadlayo Xaaladaha is-bedel ee Koonfurta Suudaan. War-saxaafadeed loo soo diray Wakaaladaha Wararka ee Wadamada Xubnaha ka ah, IGAD ayaa sheegtay in Shir-Madaxeedka aan caadiga ahayn la qabanayo maanta oo Arbaca ah kuna beegan 12ka Maarso ee sannadka 2025. Urur Goboleedka IGAD, oo ah dammaanad-qaadaha Heshiiska Dib-u-soo-nooleynta (R-ARCSS), waxa ey weli ku adkaysanayaa sida ey uga Go’an tahay Horumarinta Wada-hadallada, Dejinta Xiisadaha, iyo Xaqiijinta Mustaqbalka Nabadda ee dalka iyo dadka Koonfurta Suudaan. Urur Goboleedka IGAD ayaa waxaa Xubin buuxda ka ah Sideed dal oo kala ah “Soomaaliya, Jabuuti, Sudan, K/Sudan, Kenya, Eritereeya, Itoobiya iyo Uganda”. Kulankaan aan caadiga ahayn ee Ururka IGAD ayaa waxaa u sabab ah dagaalo ka soo cusboonaaday dalka K/Sudan kuwaaso u dhexeeyo Madaxweynaha K/Sudan Md.Salva Kiir iyo Ku-Xigeenkiisa Reik Machar, dalka deriska la ah K/Sudan ee Uganda ayaa u dirtay Ciidamada gaarka ah sababta oo ah waxaa laga cabsi qabaa in dalka K/Sudan uu galo xaalad dagaal sokeeya ah. Sababta keentay iney isku dhacaan labadaan masuul Salva Kiir iyo Reik Machar ayaa lagu sheegay iney tahay Madaxweyn Salva Kiir oo xilalka ka qaaday laba Wasiir oo ka tirsan garabka Madaxweyne ku Xigeenka.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

GOLAHA SHACABKA OO ANSIXIYEY DHAWR SHARCI.

Next
Next

ALSHABAAB OO WEERARTAY HOTEL-KA QAAHIRA.