ALSHABAAB OO WEERARTAY HOTEL-KA QAAHIRA.

(SAWIRKA)-KUMAANDOOSKA DANAB.

(MUQDISHO)-Rag hubeysan oo ka tirsan AL-Shabaab ayaa ugu yaraan 7 qof ku dilay weerar maanta oo Talaado ah ka dhacay Hotel ku yaalla Gobolka Hiiraan kaaso ey ku shirsanaayeen Odayaasha deegaanka iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda, kaasoo looga hadlayay sidii looga hortagi lahaa kooxaha Islaamiyiinta ah, sida uu sheegay oday. Kooxda xiriirka la leh AL-Qaacidda ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka ka dhacay magaalada Beledweyne, waxaana ey sheegeen iney ku dileen in ka badan 10 qof. Kooxda weerarka geysatay ayaa xoog ku soo galay albaabka Hotel-ka, sidaas waxaa yiri Goobjooge Cali Suleymaan oo dukaanle ahaa.
AL-Shabab ayaa inta badan weeraro Qaraxyo iyo weeraro ah ka geysta dalka taagta daran ee Geeska Afrika iyagoo isku dayaya iney ridaan dowladda oo ey dhistaan ​​xukun u gaar ah oo ku saleysan sida adag ee ey u fasirteen Shareecada Islaamka. “Ilaa hadda todoba qof oo ey ku jiraan Odayaal Beeleed iyo ilaaladooda oo dhamaantood ah Qaraabadayda ayaa ku dhintay huteelka. Qeybo ka mid ah hoteelka ayaa gubanaya hadda, mana cadda in howlgalka la soo gaba gabeeyay iyo in kale,” ayuu yiri C/llaahi Fiidow oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee Reuters. "Qaar ayaa sheegaya in dagaalyahanadu ey weli ku dagaalamayaan dhismayaal u dhow. Waxaa laga yaabaa in dhimashadu ey kororto, sababtoo ah Qaraxyada iyo rasaasta ey rideen dagaalyahannada,” ayuu yiri.
Saacado ka dib markii uu dhacay weerarkii hore ayaa ciidamada dowladda waxa ey isku dayayeen iney ka saaraan AL-Shabaab oo qaarkood lagu dilay luuqyo ku dhow degmadaasi, sida uu sheegay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah xildhibaanada Dowladda Federaalka ee ka soo jeeda magaalada B/Weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Sidoo kale, ugu yaraan 10-qof oo ey ku jiraan 8-dagaalyahan oo ka tirsan AL-shabaab ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe, sida uu Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay Cali Faarax oo ka mid ah saraakiisha ciidamada ee tuuladaas ku sugan. Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku sugan yahay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho si uu u soo dhaweeyo askartii ku dhaawacantay dagaalka dagaalka looga soo horjeedo kooxda AL-shabaab.

ISHA-AN.

Previous
Previous

IGAD OO QABANEYSA SHIR AAN CAADI AHAYN.

Next
Next

DUQEYN LAGU LAAYEY ALSHABAAB KU SUGNAAY BASRA.