HUB LAGU QABTAY XEEBAHA DALKA CUMAAN KUNA SOC…

(SAWIRKA)-HUBKA LAGU QABTAY XEEBAHA CUMAAN KUNA SOCDAY SOOMAALIYA.

(NAIROBI)-Markab ey leeyihiin ciidamadda badda ee dalka Australia ayaa meel u dhaw Xeebaha dalka Cumaan ku qabtay hub aad u badan oo saaranaay doon kallumaysi taaso ku socotay dalka Soomaaliya.Qaramadda Midoobe ayaa muddo tobanaan sano ah saartay cunaqabateyn dhinaca hubka dalka Soomaaliya kaaso ey socdeen colaado tan iyo markii uu dalka Soomaaliya ka qarxay dagaalka sokeeye sannadkii 1991-dii. Ciidamadda badda ee dalka Australia oo ilaaliya xeebaha badweynta Hindiya qeybna ka ah ciidamo caalami ah kana hawlgala badda ayaa sheegay in doontaan kalluumeysi lagu qabtay hub dhan ilaa laba kun oo qoriga AK-47 ah,boqol qori oo Baazuukayaal ah,49-qori oo PKM ah,39-fuusto PKM ah iyo 20-tuubo oo hoobiyeyaal ah. “Hubkaan waxaa lagu soo qabtay cunaqabateyn ey saartay Qramada Midoobe taasi ey fasaxday in la isku xiro hubka sharci darrada ah ee loo weday Soomaaliya”,ayaa lagu yiri war ka oo baxayciidamadda badda ee Australia.

ISHA/YA.

RIIX HALKAN.

Previous
Previous

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MUQDISHO KU..

Next
Next

35-NIN OO BURCAD BADEED AH OO MUQDISHO LA KEENI DOONO.