MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MUQDISHO KU..

(SAWIRKA)-MADAXWEYNAYAASHA SOOMAALIYA IYO ERITEREEYA.

(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Isniin ah dib ugu soo laabtay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ka dib markii uu booqasho qaadatay laba maalmood uu ku tegay dalka Eritereeya. MW-Xasan Sheekh ayaa intuu uu joogay magaaladda Asmara ee dalka Eritereeya waxa uu la kulmay Madaxweynaha dalka Eritereeya Md.Isaias Afwerki. Madaxweynaha Soomaaliya Md.Xasan Sheekh oo waraysi siiyey Telefishanka dalka Eritereeya ayaa sheegay in sababta uu dalkaasi ugu tegay booqashadaan ugu dambaysay ey ahayd inuu Madaxweynaha dalkaasi uga xog waramaayo Madaxweynaha Eritereeya horumarka iyo wixii ku soo kordhay Soomaaliya iyo inuu taladiisa raadiyo marka ey noqoto horey uga socodka sidii Soomaaliya looga xureyn lahaay argagixisada,waa siduu hadalka u digay. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa amaanay doorka dalka Eritereeya ey ka qaadatay arrimaha Soomaaliya,isagoo sheegay iney Eritereeya sameeysay wax ey dalal yar ey ka smeeyeen dalka Soomaaliya.

ISHA/VOA.

Previous
Previous

PUNTLAND OO KA CABANAYSA MASHAARIIC LA’AAN.

Next
Next

HUB LAGU QABTAY XEEBAHA DALKA CUMAAN KUNA SOC…