35-NIN OO BURCAD BADEED AH OO MUQDISHO LA KEENI DOONO.

(SAWIRKA)-MARKABKA MV RUEN.

(GARAWE-PL)-Wararka laga helaayo maamulka Punland ayaa sheegaayo in Hayadda Qaramada hoos tagta ee la yiraahdo UN-HABITAT ey shaacisay iney kala dirtay ku dhawaad shaqaale dhan ilaa seddex boqol oo qofood kana shaqeyn jiray Mashuuriici balaarnaay ee JPLG guud ahaan Puntland,waxaane hadda meesha isaga baxay Mashruucii oo dhaan. Mashruuca JPLG ayaa ah mashruuc ey si weyn uga faa’iideysteen bulshada Puntland ku dhaqan,Mashruuca ayaa ku soo jiray hakad mudda dheer ah ka dib markii Xukuumadda MW-Siciid Deni ey iska diiday iney saxiixdo qeybtiisii sannadkan 2024-ka. Istaagidda Mashrruca JPLG ayaa waxaa ka dhashay shaqa la’aan saameysay ilaa seddex boqol shaqaale waxaa kaloo ka dhashay inuu gebi ahaan istaagay mashruucii horumarinta dawladaha Hoose ee Puntland, sidaas darteed Puntland ayaa hadda waxa ey wajahaysaa dhaqaale xumi baahsan,shaqo la’aan iyo niyad jab ku yimid bulshada degan Puntland. Arrintaan shaqa la’aanta iyo dhaqaale xumidda ka jirta Puntland ayaa waxaa ka hadlay laba Wasiir oo kala ah Wasiirkii hore ee Qorshaynta Puntland Faroole iyo Wasiirka soo laabtay ee Arrimaha Gudaha Juxa,waxa eyna labada Wasiir si cad u sheegeen in Puntland xaalkeedu aad u liito marka laga fiiriyo dhinaca dhaqaalaha iyo mashaariicda Horumarinta ey horay uga heli jirtay beesha caalamka. Dhinaca kale,Ciidamadda Badda ee dalka Hindiya ayaa soo furtay Markab afduub loogu haystay Xeebaha Puntland,Markabka ayaa la yiraahdaa MV RUEN waxaane la afduubay bishii Disembar-2023-kii,ciidamadda badda ee dalka Hindiya ayaa hadda la filaa iney Burcad Badeeda ey soo qabteen oo dhan ilaa 35-qofood oo rag ah iney u soo gacan geliyaan DFS maalmaha soo socda si loogu Maxkamadeeyo gudaha dalka Soomaaliya.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

HUB LAGU QABTAY XEEBAHA DALKA CUMAAN KUNA SOC…

Next
Next

XUKUUMADDA CUSUB EE DENI OO EY SOO WAJAHDAY..