HOLLAND OO RAALIGELIN KA BIXISAY…
SARAAKIISHII QM EE BOSNIA IYO GE.RAFKO.
(THE HAGUE)-Dawladda Holland ayaa si rasmi ah waxa eey raaligelin u siisay ciidamadeedii loo diray dalka BOSNIA si eey uga mid noqdaan ciidamadda nabad ilaalinta eey Qaramada Midoobay u dirtay halkaas,ciidamadaas ayaa loogu talagalay ineey badbaadiyaan Musliminta laga tirada badan yahay kuna sugnaay SREBRENICA kuwaaso aan haysan wax hub ah eey isaga difaacaan kooxaha soo weeraray. Askartii reer Holland ee ka qeybta ahayd ciidamadda Qramada Midoobay ee nabad ilaalinta ayaa hadda ah kuwa hawlgaba,waqtiga eey joogeen BOSNIA waxaa si aad ah u hubaysanaay xoogaga SERBIA kuwaaso uu hogaaminaayey GEN.Rafko Mladic kaasoo xasuuqay 8,000-qofood kana koobnaay rag iyo wiilal yar yar oo Muslimiin ah bishii Juulaay-1995-tii,falkaas uu sameeyey Gen.Rafko caalamku u aqoonsaday Xasuuq.
ISHA WARKA AP.