HESHIISKII SOOMAALIYA IYO IMAARAATKA OO WELI LA HORGEYN…

(SAWIRKA)-CALAMADA SOOMAALIYA IYO IMAARAATKA CARABTA.

(LONDON)-Waxa aan la wada soconaa in dalka Soomaaliya uu hadda ku jiro xaalad dib u soo kabasha ah haddii ey noqon lahayd dhinaca arrimaha bulshada,dhaqaalaha iyo Amnigaba,waxaane arrintaan dalka Soomaaliya gacan ka siiyo dawladdo saaxib la ah isuguna jira kuwa Carab ah iyo kuwa aan Carab ahayn. Danaha dawladahaasi ey ka leeyihiin dalka Soomaaliya ma ah mid yar waayo Soomaaliya waxa ey ku taalaa goob istaraatiiji ah oo si aad ah looga koontarooli karo dhaqdhaqaaqa dhinaca badda iyo hawada ah. Hadaba markii ey Golaha Wasiiradda Soomaaliya ey Ansixiyeen heshiiskii Iskaashi ciidan oo ey la galeen dalka Imaaraatka Carabta bishii Febraayo-2023-kii waxaa magaaladda Muqdisho ka dhacay buuq iyo sawaxan salka ku haayo heshiiska,Xildhibaanada ka tirsan BJFS ayaa aaminsan in heshiiskaasi uu lid ku yahay Qaranimada Soomaaliya. Tan iyo horaantii 90-meeyadii dalka Soomaaliya waxa uu la dagaalamaayey hogaamiyo kooxeedyo iyo kooxo hubaysan sida Alshabaab iyo Daacish eyna Soomaaliya ku mutaysatay magaca ah DAL FASHILMAY. Hadane dadaaladda dawlad dhiska ayaa noqday mid mira dhal ah sannadadii ugu dambeeyey, bishii Disembar-2023-kii Qaramada Midoobe ayaa dalka Soomaaliya ka qaaday Cunaqabateyntii Hubka ee saarneed muddo ka badan sodon sano iyadoo la aqoonsan yahay horumarka ey dawaladda Soomaaliya ka sameysay dhanka Hayadaha Dimuqaraadiyadda iyo dastuurka,si kastaba ha ahaatee dawaladda Soomaaliya ayaa weli u baahan gargaar shisheeye,Soomaaliya ayaa heshay dhaqaale dhan $2.4-Bilyan oo gargaar horumarineed ah waxa eyna deeqdaasi ka heshay dalalka{EU,US,TURKEY,QATAR iyo UAE} sannadkii 2021-kii. Heshiiska u dhexeeyo Soomaaliya iyo Imaaraatka ee uu arkay Wargayska Middle East Eye ayaa waxaa ku farayaa in dalka Imaaraatka fuliyo hawlgaladda mileteri iyo kuwa amniga oo ey ku jiraan hawlgaladda dhulka,badda iyo cirka kuwaaso ey u aragto iney ku haboon yihiin si loo cirib tiro aragagixisada waxay kalo Imaaraatka u fasaxaysa iney isticmaalaan dhulka Soomaaliyeed. Imaaraatku waxa uu xaq u leeyahay inuu isticmaalo dekedaha dhulka,dekedaha badda iyo garoomadda diyaaradaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu ka sameysto saldhigyo ciidan iyo tababaro uu siiyo ciidamadda Soomaaliya si uu hawshiisa u sii wato.

ISHA/MEE.

RIIX HALKAN.

Previous
Previous

DAGAALKA BELED WEYNE OO ISKII U ISTAAGAY.

Next
Next

INGIRIISKA OO LACAG SIINAAYA QAXOOTIGA ISKII..