DAGAALKA BELED WEYNE OO ISKII U ISTAAGAY.

(SAWIRKA)-HOGAAMIYIHII DAGAALKII XALAY KA QARXAY B/WEYNE C/QADIR CALI COLOW.

(B/WEYNE)-Wararka laga helaayo caasimadda Gobolka Hiiraan ee Beledweyne ayaa sheegaayo in halkaas habeenkii xalay ahaay uu ka qarxay dagaal la isu adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan dagaalkan ayaa waxaa hogaaminaayey sarkaal magaciisa lagu sheegay in la yiraahdo C/qaadir Cali Colow oo hawshaan uga wakiil ahaay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan hadane ah madaxa Macaawiisleyda dalka Soomaaliya Md.Cali Jeyte Cismaan,dagaalka ayaa yimid ka dib markii loo diiday inuu soo galo magaaladda B/weyne Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Md.C/laahi Axmed Maalin Sufuroow ee uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Hirshabeele Md.Cali Guudlaawe. Sida ey sheegayaan dadka degaanka dagaalka ayaa salka ku haayo shir dhawaan ka dhacay magaaladda Jawhar ee Gobolka Shabeeladda dhexe kaaso looga arrinsanayey waxyaabo khuseeyo maamulka H/shabeel, dhinaca kalane, waxaa horay u jiray hadal haynta maamul ey rabaan iney iskood u dhistaan dad siyaasiyiin ah una badan hal beel kuwaaso goobo fagaara ah ka sheegay iney dhisayaan maamul loogu magac daray HIIRAAN STATE uuna Madaxweyne u yahay Cali Jeyte Cismaan,ma qarsoona siyaasadda ey wataan dadka ka soo jeeda B/weyne kuna aadan maamulka uu hogaamiyo Cali Guudlaawe ee hadda waqtigiisu gabaabsiga yahay,arrintaan ayaa dhabar jab xoogan ku ah MW-Xasan Sheekh waayo waxa uu hogaanka Macaawiisleyda u gacangeliyey nin reer Hiiraan isaga oo uga dan lahaay in meesha laga saaro inuusan dhicin gacan ka hadal ka dhaca G/Hiiraan gaar ahaan magaaladda B/weyne balse hadda dhacay ugu dambayntii. In ciidamadda maamulka H/shabeele laga saaro xarumaha dawlad Goboleedka H/shabeele ayaa la soo werinayaa isuguna tageen xarun ey leedahay ATMIS kuna taalo duleedka magaaladda B/weyne. LA SOCO WIXII SOO KORDHA.

ISHA.SB-MEDIA.

Previous
Previous

MW-XASAN SHEEKH OO LA SHIRAY SARAAKIISHA CIIDAMADDA.

Next
Next

HESHIISKII SOOMAALIYA IYO IMAARAATKA OO WELI LA HORGEYN…