HAYADAHA AAN DAWLIGA AHAYN OO CAMBAAREEYEY MAXKAMAD GIRIIGA KU TAAL.

25725_lby-180116-migrants-libya_1516130773499.jpg

Bishaan afar iyo tobankeedii ayaan wax ka qoray in wiil soomaali ah oo dalka Giriiga lagu xukumay 146-sano ka dib markii dad ka soo tahriibiyey dalka Turkiga keenayna dalka Giriiga,hadaba kooxaha u dooda xuquuda muhaajiriinta caalamka ayaa dhaleeceeyey go’aankii eey maxkamad ku taalo dalka Giriiga ugu xukuntay 146-sano oo xariga wiil soomaaliyeed oo megangalyo doon ah ka dib markii eey eedeeysay inuu naakhuude ka haay doon eey saarnaayeen muhaajiriin aan sharci ahayn kana soo tahriibay dalka Turkiga soona gaaray dalka Giriiga dhammaadkii sannadkii hore 2020-ka,wiilkaas soomaaliga ah oo la yiraahdo Maxamed H ayaa ah aabe afar caruur ah kana soo cararay colaadaha dalkiisa soomaaliya.

Arrintaan ayaa imaanayso todobaadyo ka dib markii qaxooti u dhashay dalka Suuriya kuna sugnaay dalka Giriiga lagu xukumay 52-sano oo xarig ah iyo inuu bixiyo lacag ganaax ah oo dhan $294,000 una dhiganta lacagta yuurada 242,000,ka dib markii lagu eedeeyey inuu muhaajiriin u fududeeyey ineey si sharci dara ah ku soo galaan dalka Giriiga,hayadaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa arrinkaas ugu yeeray’ FADEEXAD’.XIGASHO OCCRP.

RIIX HALKAAN.

Previous
Previous

22-MUHAAJIR SOOMAALINA KU JIRTO OO LA QABTAY.

Next
Next

‘HA IGU EEDEYNINA DIB U DHACA DOORASHADA SOOMAALIYA’.