‘HA IGU EEDEYNINA DIB U DHACA DOORASHADA SOOMAALIYA’.

somalia-president-farmajo.jpeg

Wargayska FOREIGN POLICY cadadkiisii soo baxay maanta oo talaadada ah(18/5/2021)-ka ayaa waxaa ku soo baxay maqaal uu qoray Madaxweynaha uu dhammaaday waqti xileedkisa Maxamed C/laahi Farmaajo,maqaalka ayuu Farmajo uga hadlay arrimo la xiriiro doorashooyinka dalka soomaaliya ee la soo dhaafay waqtigoodii. Hadaan dib ugu noqdo idina xusuusiyo dalka soomaaliya waxa uu leeyahay dastuur kumeel gaar ah kaasoo sheegaayo in dalka soomaaliya eey ka dhacdo doorasho afartii sanaba mar,doorashadaas ayaa kala ah mid lagu dooranaayo xildhibaanadda labada aqal(Aqalka Hoose/Aqalka Sare) waxa eeyna doorashadaas dhacdaa inta uusan dhammaan sannadka tusaale ahaan xildhibaanadii ugu dambeeyey ayuu waqti xiloodkoodii ku ekaay 27/12/2020-ka halka xilka madaxweynaha uu ku ekaay 7/2/2021-ka waane sababtaas tan hadda loogu yeero xilgaarsiinta si uusan u dhicin firaaq hayadaha dastuuriga ah. Aan u soo laabto qoraalka Farmaajo uu kaga hadlay doorashooyinka oo u muuqday mid uu isaga beri yeelaayo dib u dhaca doorashooyinka uu isaga u sabab ahaay welina uu la daba taagan yahay lugooyada,tusaale ahaan waxaan idiin siin karaa sababta keentay in xilka laga tuuro Gudoomiyihii hore ee aqalka hoose Prof.Jawaari,Jawaari ayaa waxa uu shir la yeeshay gudi hoosaadka aqalka hoose ee baarlamanka soomaaliya waxa uuna kala hadlay in dalka soomaaliya eey ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah iyo in kale waane qeyb ka mid ah hawlaha loo igmaday dawladda federaalka soomaaliya ee uu hogaaminaayey Farmaajo ineey sameeyso ka hor inta uusan dhamman waqti xileedkeeda,arrinta ugu weyn ee uu Farmajo u qaban waayey doorashada waqtigii loogu talagalay ayaa ahayd isagoo danaynaayey iskana dhaadhiciyey in doorashada afartii sanaba mar ah in laga maarmo dalkuna yeesho dawlad dhexe oo hal meel laga xukumo fedraalkuna noqdo mid daaqadda ka baxa waxa uuna taas uga dayanaa saaxibkiisa Abiy Axmed oo sidaasa qaba ilaa iyo haddana eey u meel mari la’adahay tan iyo bishii Agoosto/2020-ki ilaa maantana aan fara ku haynin waqtiga eey Itoobiya ka dhceeyso doorashadda tasoo uu hadda ka bedelay waqtigii loo balansanaay ee ahaay 5/6/2021-ka,Farmaajo markii uu arkay ineysan u soconayn arrintii uu rabay ayuu bilaabay inuu sameeysto maamul goboleedyo isaga taabacsan kuwaasoo soo dhisidooda uu ku daatay dhiig welina eey taagan tahay dacwadooda loona haysto Farmajo iyo inta ka agdhaw,Farmaajo ayaa qoraalkiisa waxa uu eeda dib u dhaca doorashooyinka soomaaliya dusha uga riday maamuladda Puntland iyo Jubbaland iyo mucaaradka,dhinaca kalane waxa uu sheegay in dawladdo shisheeye qeyb ka ahayeen dib u dhaca doorashada soomaaliya laakinse waxa uu Farmaajo is hilmaansiiyey marnaba uusan soo hadal qaadin milkilayaasha dawladdiisa waqtigeedu dhammaaday kuwasao isaga ku qasbay inuu ku dhawaaqo shuruud la’aan inuu soo ceshaday xiriirkii Kenya,waa mid soomaalida oo dhan eey ka dheregsan tahay in eey jirto faragelin shisheeye oo ka kala imaanaysa dawldaha deriska ah iyo kuwa carbeed haba ugu sii darnaadeen kuwa carabta ah(Imaaraatka Carabta/Qadar),labadaan dawladood ayaa soomaaliya ka leh dano ayaga u gaara waxa eeyna mid walba rabtaa ineey hesho madaxweyne u fuliya danaheeda,tusaale ahaan Imaaratka Carabta waxa eey soomaaaliya ka rabaan ineey la wareegaan Dekadaha halka Qadar rabto ineey la wareegto khayraadka(Gaaska Dabiiciga ah/Batroolka). XIGASHO FOREIGN POLICY.

RIIX HALKAAN.

Previous
Previous

HAYADAHA AAN DAWLIGA AHAYN OO CAMBAAREEYEY MAXKAMAD GIRIIGA KU TAAL.

Next
Next

ITOOBIYA OO MAR KALE DIB U DHIGTAY DOORASHADDA.