HAWEEN KA TIRSAN ALSHABAAB OO LA XIRAY.

(KENYA):”Waxay cadeeysatay ineey qabto tababar dhinaca hubka ah leedahayna xirfado ah ineey sameeyso afduub,isticmaasho waxyaabaha qarxa iyo xirfada kale”.Haweeneydaan ayaa la rumaysan yahay ineey jirto laba iyo labaatan(22)-sano waxa eeyna la nooleed nin sidii ayagoo isqaba tuuladda KAMALAMBU.haweeneydaan lagu tuhmaayo ineey xiriir la leedahay alshabaab ayaa habeenkii Talaadada lagu xiray Tinderet ee degmada Nanda.Sida laga soo xigtay agaasimaha dembi baarista George Kinoti saraakiil boolis ah kuna sugan saldhiga booliska Soghor ayaa waxa eey lacag siyeen gabadhaan la tuhmaayo si eey ugu sheegto xubnaha kale kana tirsan alshabaab eey ayada taqaan si loo soo xiro.Dadkii deganaay tuuladda eey deganeeyd gebertaan la tuhmaayo ineey ka tirsan tahay alshabaab ayaa waxaa la soo deristay cabsi ka dib markii loo cadeeyey in xiray ka dib markii la waraystay,geberta ayaa baarayaasha u sheegtay ineey aaday soomaaliya soona joogtay muddo laba sano ah ayadoo loo maleeyey in alshabaab afduubeen kana afduubeen KILIFI sannadkii 2019-kii.Hayadda Dembi baarista dalka Kenya(DCI)war eey soo saartay ayey ku sheegtay in gebertaan la tuhmaayo u sheegtay ineey aaday halkii lagu qoraayey ciidamadda difaac kenya(KDF) iyo xaruma kale,waxayna baarayashu u mahad celiyeen dadka dega Tinderet sida mutadawacnimada ah eey u soo wargeliyeen loona soo qabtay gebertaan la tuhmaayo ineey ka tirsan tahay Alshabaab.ISHA THE STAR.

HALKAAN KA SII AKHRI

Previous
Previous

NICHOLAS KAY OO LAGA HOR ISTAAGAY INUU NOQDO WAKIILKA QM EE LIIBIYA.

Next
Next

GIRIIGA OO LAGU DACWEEYEY EU-DA.