GIRIIGA OO LAGU DACWEEYEY EU-DA.
(GIRIIGA):Dalka Giriiga waxa uu ka mid yahay wadamadda eey sii maraan dadka muhaajiriinta ah kana yimaado dalka Turkiga soona mara dhinaca badda,waxaane jirto in dalka Giriiga iyo Turkiga eey ka dhexeeyso colaad soo jireen ah oo dhinaca xuduuda ah waxa eeyna labadaan dal isku haystaan jasiirada QUBRUS,Giriiga iyo Turkiga ayaa ka wada tirsan midawga Yurub(EU) oo waxaa wada qabanaayo qanuunka u yaalo Yurub,sababta Giriiga uu si aad ah uga soo horjeedo muhaajiriinta kaga imaanayso dhinaca Turkiga ayaa ah mid salka ku hayso colaada dhexdooda ah sidaas darteed khaladaadka ka dhacaayo Giriiga intooda badan waxa eey uga dhacaan ku xumayn Turkiga.Hadaba waxaa jirto sheeko uu daaha ka qaaday nin reer Yurub ah taaso ah dhaqan xumidda dalka Giriiga dhaqan xumidaas ayaa ah soo celinta dadka muhaajiriinta ah dib loogu soo celiyo dalkii eey ka bexeen oo ah dalka Turkiga,mid ka mida mutarjumiinta midawga Yurub ayaa sheegay in laga soo ceyriyey dalka Giriiga lana keenay xuduudka dalka turkiga isagoo la soo marsiisay jidka la marsiiyo dadka Muhaajiriinta.Muhaajiriinta oo dib loogu celiyo halkii eey ka yimaadeen waa mid ka baxsan bani’aadanimadda waxayna xadgudub ku tahay xuquuqda muhaajiriinta waane taas tan uu sameyey dalka Giriiga isagoo dib u celinta muhaajiriinta u bixyey magaca ah “DAGAALKA LOOGA SOO HORJEEDO MUHAAJIRIINTA AAN SHARCIGA AHYN”.Sida uu qoray wargayska NEW YORK TIMES maanta oo ah Arbaca(1/12/2021)-ka ilaaladda xuduudka dalka Giriiga waxa eey si khaldan u qabteen mutarjum u tarjuma kuwa megangalyo doonka ah bishii Sebtembar-2021-ka waxaane mutarjumkaan loo gaystay xadgudub waxaane si xoog ah loo geeyey isaga iyo kuwii megangalyo doonaka ahaayba xuduudka u dhexeeyo Giriirga iyo Turkiga.ISHA DS.