Halyeey Dayacan
Asc dhammaan asaxaabta,salaan ka dib waxa aan rabaa inaad ila wadaagtiin daawashadda video-gaan waxa uuna ka hadlaayaa halyeey cayaartooy hore ah biladane ku soo guulaystay isagoo huwan magaca qaranka soomaaliyeed,nasiib darase waa la hilmaamay oo maanta danta ayaa waxa eey ku qasabtay inuu noloshiisa ka dabirto gedida yaanyadda taas ayaa ku dhacday aqoon la'aanta dhinaca cayaaraha ah ee haysato masuuliyiinta wasaaradda dhallinyaradda iyo cayaaraha,waxaane ceeb ah inaad ku faantid waxbaan qabanay ayadoo eey dayacan yihiin cayaartooydii qaraka sharafta u soo hoyiyey sida halyeey WARAABE oo guulo la taaban karo ka gaaray orodka dheer ee Maaratoonka.