Aw Xintirow
Asc dhammaan asaxaabta,salaan ka dib waxa aan rabaa inaad ila wadaagtiin qoraal kooban kuna saabsan arrinta taagan ee ah tiradda senitarada aqalka sare uu ku yeelanaayo G/Banaadir oo maalmahaan eey ka taagnayd dhibaatooyin muuqda iyo kuwa aan muuqan,hagarta lagu haayo G/Banaadir ayaa hadda u muuqato mid timid banaanka labaatan sano ka dib,iskuma darna dadka oo waa eey kala bexeen markii la soo gaaray arrinta G/Banaadir waxaane soo baxay dad uu haayo xanuun aan loo hayn daawo dhimasho kaliyah eey u tahay daawo,maamuladda dalka ka jirana qaarkood ineey soomaaliya ka go'aan ayaa uga sahlan intuu G/Banaadir heli lahaay xaqiisa ka maqan,shalay iyo maanta wixii ka dhacay golaha shacabka waxaa ka soo baxay ineey jiraan AW XINTIRAW badan sida eey ka dhawaajisay xidhibaanad Khadiija Diiriye,xildhibaanadda iskama soo qaadan magaca heesta aw xintiraw ee xikmad ayaa ku jirtay xikamadda ayaa ahayd aw xintiraw xoolihii waan ku siiyey hadane waa kaa haystaa waaye,aw xintiraw yaa la xisaabtamaa,marka waa in inaan xusuusanaa sheegnaa dadka sida dhabta ah u hortaagan in G/Bnaadir xubno ku yeesho aqalka sare,hadaan dadkaan aan la sheegine oo aan loo tilmaamin shacabka G/Banaadir waxa aan noqonaynaa dembiilayaal. Seddexdaan masuul ee sawiradooda idiin muuqdaan waa seddexda shaqsi ee cadaawad gaar ah u haayo shacabka G/Banaadir cid kasta gadaal haka riixdo,Mudane Mursal waaba cadaysayey nacaybkiisa uu u qabo shacabka G/Banaadir oo waxa uuba isku dayey inuu is hortaago mooshinkii tirada loogu kordhin lahaay G/Banaadir wixii arrintaas ka dhashay waan wada ognahay oo isu sheegi mayno,waxaane qasab ku noqotay inuu aqbalo qabashadda Mooshinklii dastuuriga ahaay waxaane loo balansan yahay Sabtida ayadoo aan la socono doorka villa-da eey ku leedahay arrintaan uu ku dhaqaaqay Mursal,laakinse waxaan ayagana meesha aan ka maqnayn gudoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Muudeey iyo gudoomiyihii gudigii isku dhafka ahaay Ibraahim Isaaq yaraw,sida aan ka daawanay doodihii xildhibaanadda Xildh.K/Galbeed aad ayey u cadeeysteen cadaawad eey u hayaan walaalahooda G/Banaadir waane mid u gashay taariikhda wixii eey ku hadleen waxaane laga dhedhesan karaa hadalkooda inuu jiray hadalkii uu inkiray gudoomiye Ibraahim yaraw ee ahaay in 7-da xubnood lagu qeybsahaayo 4.5 laakiknse hadalkii Ugaaska Beesha Mudulood ee ahaay"7-DA LA SIIYEY G/BANAADIR HADDII NALOOGU RONAAHAAYEY WAA KU MAHADSAN YIHIIN KUWII NOOGU ROONAADAY,HADDIISE NALOOGU DARNAAHAAYEY INDHAHEEYNAA SHANTA AH' ayaa dhaliyey in la inkiro dhammaan wixii laysku ogaay laguna wargeliyey maamuladda qaarkood in 7-da xubnood uu aqalka sare ku yeelan doono G/Banaadir in loo qeybsan doono (4.5) waxayse noqotay kuday socon kari weeysay kuwii wedayne waxa eey noqdeen tuug la qabtay talo ma leh,waa hubanti ah in villa-da dadaal adag u geli doonto sidii looga hortegi lahaay in G/Banaadir helo wax ka badan 13-xubnood laakinse halyeeyadii shalay iyo maanta u taagnaay soo dhicinta xaqa uu leeyahay G/Banaadir weli waxba iskama bedelin mawqifkoodii ahaay in gobolku helo xaqiisa dadkiisana u tashadaan sideey ka yeelayaan.