HAL DEGMO OO LAGA HELAY 11-QOFOOD OO ALSHABAAB AH.

(SAWIRKA)-DADKII MAANTA KA SOO MUUQDAY MAXKAMADDA CIIDAMADDA QALABKA SIDA EE DARAJADA KOOBAAD.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in maanta oo Axad ah(5/11/23)-ka halkaasi lagu maxkamadeeyey 11-qofood oo la sheegay iney la shaqeynayeen kooxda Alshabaab gaar ahaan dadkaan ayaa waxa ey ka tirsnaayeen maamulka degmada Hodon ee G/banaadir. Fadhi uu shir Gudoominaayey Gudoomiyaha Maxakmada Darajada koobaad ee Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida G/le sare Shuute ayaa warbixin looga dhegaystay xeer ilaalinta Maxakamada Ciidamadda Qalabka Sida taaso soo bandhigtay dhammaan cadeymihii ey ka haysay eedeysanayaasha,dadka la soo eedeyey ayaa ka koobnaay 8-qofood oo Rag ah iyo seddex qofood oo Dumar ah. Kooxdaan ayaa loo hasytaa iney ahaayeen Shabakad isku wada xiran kana hawlgasha degmooyinka Hodan,H/wadaag,Heliwaa,Dayniile,Y/shiid iyo degaanada Daarusalaam iyo Carafaat oo dhammaantood ka wada tirsan G/banaadir,xogta Shabakadaan ayaa laga soo helay Kumbuyuutar uu isticmaalayey hogaamiyahooda ninka lagu magacaabo C/raxiin Maxamed Cismaan(Macruuf) kaaso hayadaha Amniga ey ka soo qabyeen Suuqa Bakaaraha ee magaaladda Muqdisho.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKA KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

SOOMAALIYA OO SHEEGTAY INEY U TARTAMAYSO…

Next
Next

AFAR DAL OO LAGA SAARAY URURKA AGOA.