AFAR DAL OO LAGA SAARAY URURKA AGOA.

(SAWIRKA)-FADHIGII 20-AAD EE AGOA EE K/AFRIKA.

(JOHANNESBURGE)-Shir sannadeedkii ey yeelanayeen Ururka Ganaccsiga ee marka la soo gaabsho loo yaqaano”AGOA”kaaso ah borogaraam sharci siinaayo dalalka Afrika qaarkood ee ka hooseeyo Saxaraha Qaaradda Afrika iney si xor ah awood ugu yeeshaan in dalka Maraykanka dhaqaale la wadaagaan marka laga soo bilaabo sannadkii 2000,shirka ayaa maanta oo Sabti ah waxa uu ka dhacay dalka Koonfur Afrika. Ganacsiga Afrika iyo Maraykanka ee hoostaga dalladda AGOA ayey tirada guud ee badeecadda loo diro dalka Maraykanka ayaa qiimaheedu gaaray ilaa $10-Milyan oo doolarka Maraykanka ah sannadkii 2022-kii marka la barbardhigo sannadkii ka horeeyey ee 2021-kii ayaa ahaay $6.8-Milyan oo doolarka Maraykanka ah. Hogaamiyeyaasha Afrika ayaa weydiistay Aqalka Maraykanka iney u cusbooneysiiyaan siyaasadda Ganacsiga ee u dhexexeyso Afrika iyo Maraykanka muddo dhan toban sano oo kale amaba ka badan ka hor inta eysan dhammaan sannadka 2025-ka. Si aad uga mid noqotay Ururka AGOA,dalalka xubnaha ka noqonaayo waxaa waajib ku ah iney tixgeliyaan sareynta sharciga iyo difaaca xuquuqda dadka. Maalintii Isniinta ayuu Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden sheegay in afar dal oo xubno ka ahaay Ururka AGOA laga saaray dalalka Niger iyo Gabon oo uu ka dhacay Afgembi ciidan halka dalalka Afrikada dhexe iyo Ugandha looga saaray iney ku xadgudbeen xuquuqda dadka.

ISHA/VOA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

HAL DEGMO OO LAGA HELAY 11-QOFOOD OO ALSHABAAB AH.

Next
Next

QARAXI XALAY KA DHACAY MUQDISHO UU FULIYEY…