HABRAACA DOORASHADA SOOMAALIYA OO ISU BEDELAY….
Shirkii golaha wadatashiga qaranka ayaa waxa uu soo saaray habraac loo mari doono doorashooyinka xildhibaanadda aqalka hoose ee baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka soomaaliya,habraacaan ayaa u muuqdo mid awood shegasha ah waxa uuna meesha ka saaray kuwa u tartamaayo xilka madaxweynaha sida Farmaajo,midawga musharixiinta,gudiga doorashooyinka ee heer federaal iyo maamulka qabaa’iladda horay u jiray ee soo xuli jiray xildhibaanadda,habraacaan ayaa dalka u horseedi doono qalalaase hor leh oo dhinaca amniga ah waayo waxaa bulshadda soomaaliyeed hortooda ka muuqdo qaabkii loo maamulay soo xulitaanka Senataradda aqalka sare eey maamulayeen dawladda goboleedyadda,tusaale ahaan maamulka koonfur galbeed ee uu madaxweyne ka yahay Cabdicasiis Lafta Gareen waxaa ka dhacday soo xulitaankii ugu fool xumaa taariikhda doorashooyinka soomaaliya ee soo socday labaatankii sano ee la soo dhaafay,Lafta Gareen ayaa Senetaro ka soo dhigay rag eey u dhexeen xaaskiisa gabdho la dhashay waane mid ku cusub siyaasadda soomaaliya arrintaan uu sameeyey Lafta Gareen.
HALKAAN KA DHEGAYSO WARBIXIN KA HADLAYSO HABRAACA DOORASHADA.