Soomaaliya,dad caraysan oo si qarsoodi ah caruurtooda loogu diray dalka Eritereeya.
Aabe Cali Jaamac Dhoodi waa mid ka mida aabayaasha caruurtooda loo qaaday dalka Eritreya,aabe Cali ayaa waxa uu malayhaayey in wiilkiisa loo qaaday dalka qadar si uu halkaas uga noqdo amni suge(Security) iyo inuu ka qeyb qaadan doono sugidda amniga garoonadda cayaaraha eey ka dhici doonaan tartanka kubadda cagta ee koobka adduunka sanaddka 2022-ka kaasoo lagu qaban doon dalka Qadar. Bishii Abriil-2020-ka ayaa aabe Cali waxaa u yimid masuliyiin ka socoto hayadda NISA waxa eeyna aabe Cali u keeneen lacag dhan $ 10,000 waxa eeyna aabe cali u sheegeen in wiilkiisa uu dhintay balse uusan ku dhiman dalka Qadar ee uu ku dhintay dalka Eritereeya oo ah dalka ugu wax qariska badan adduunka,hordhacaan kooban ayaan ka soo xigtay wakaaladda wararka ee REUTERS oo aanta daabacday arrinta la xiriirta dhallinyaradda soomaaliyeed ee la geliyey dagaalka Tigray. XIGASHO REUTERS.