MARAYKANKA OO UGU BAAQAY ERITREEYA INEEY CIIDAMADEEDA SI DHAQSI AH UGALA SOO BAXDO TIGRAY.

download.jpeg

Sida eey magaaladda Nairobi ka soo tebisay wakaaladda wararka caalamiga ah ee Associated Press Maraykanka ayaa ugu baaqay dalka Eritereeya ineey ciidamadooda ku sugan gudaha gobolka Tigray ineey si dhaqsi ah ugala soo baxaan,waxaa kaloo Maraykanka uu dalbaday in la sameeyo baaritaan dahfuran oo la xiriira wixii gabood fal ah ee ka dhacay gobolka Tigray uu dagaal ku dhexmaray ciidamadda dawladda federaalka Itoobiya oo garab ka heleyso kuwa Eritereeya iyo xogaga jabhadda TPLF ee gobolka Tigray sannadkii 2020-ka. Waxyaabaha ka dhacay gobolka Tigray-da ayaan laga hayn war sidaas u sii faahfaahsan waayo waqtiga dagaalku socday waxaa laga jaray dhammaan Internet-ka oo ma eeysan jirin cid la xiriiri karta gobolkaas,dhinaca kalane waxaa jira warar sheegaayo in dagaalka lagu qaaday Tigray-da loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha wedin ee loo yaqaano Drons-ka lagana soo amaahsaday dalka Imaaraatka Carabta oo xiriir wanaagsan la leh dalalka Eritereya iyo Itoobiya halka soomaaliya laga soo amaahsaday ciidamo Eritereeya u joogay tababar loona daabulay dagaalka gobolka Tigray-da kuwaaso aan la aqoonin tiradooda dhabta ah iyo xaaladaooda halka eey ku dambaysay,waalidiin badan kana cabanaayey caruurtooda ka maqan ayaa waxa eey ka soo muuqdeen Tv-yada dalka waxa eeyna sheegeen ineey u baahan yihiin in meel loogu sheego caruurtooda nolol iyo geeri balse DFS oo uu u hadlay wasiirkeeda warfaafinta Dubad ayaa ka gaabsaday inuu sheego ineey jiraan ciidamo tababar loogu diray dalka Eritereeya,xogo hoose ayaa shegayo in Rw-re ku xigeenka DFS Mahad Guuleed uu hadda ku sugan yahay caasimadda Eritreya ee Asmara waana booqasho aan horay loo sii sheegin ujeedka booqashadaan ayaa lagu tilmaamay ineey tahay inuu isku soo sawiro askarta la sheegay ineey Eritreeya tababarka u joogo si loo khaldo caqliga waalidiinta iyo ra’iyul caalamka. XIGASHO AP.

HALKAAN KA AKHRISO.

Previous
Previous

Soomaaliya,dad caraysan oo si qarsoodi ah caruurtooda loogu diray dalka Eritereeya.

Next
Next

ASKARTA ERITYEREEYA OO DIL IYO DHAC KA GEESTAY GOBOLKA TIGRAY..MARKHAATI.