GUDOOMIYE YABOOH OO U…

GUDOOMIYE YABOOH IYO GUD.DEG.Y/SHIID FARGAX.

(MUQDISHO)-Maalin ka hor ayey ahayd markii Gudoomiyaha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir lagu sameeyey Shaqo Joojin sidoo kalane waxaa Mushaarka Bishaan socoto laga joojiyey dhammaan xubnaha Golaha degaanka degmada Hodan,waxaane la sheegay in dhamman Golaha degaanka degmada Hodan loo furi doono Tababar dhinaca Maamulka ah. Si ey u sii socoto hawsha loo haayo shacabka degmada Hodan ayaa Gudoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga loo xil saaray inuu sii wado shaqada Gudoomiyaha degmada Hodan inta Gudoomiye cusub laga soo magacabaayo. Dhinaca kale,waxaa isna shaqo joojin lagu sameeyey Gudoomiyaha Degmada Hawlwadaag ee Gobolka Banaadir,waxaane la hakiyey Mushaarka dhammaan xubnaha Golaha degaanka ee degmada H/wadaag,waxaane tababar loo furi doonaa dhammaan Golaha degaanka degmada H/wadaag sida kuwa degmada Hodan. Xogaha isa soo teraayo kuna saabsan arrimaha maamuladda degmooyinka Galbeedka Caasimadda Muqdisho ayaa tilmaamaayo in digniino kama dambays ah loo diray Gudoomiyeyaash degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi,dhammaan dhacdooyinkaan ayuu maamulka Gobolka Banaadir weli uusan wax faafaahin ah ka bixin. Mudane Yabooh oo ah Gudoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga iyo Siyaasadda ee Gudoomiyaha Gobolka Banaadir isla markaasne ah duqa Magaaladda Caasimadda Muqdisho eyna wehliyaan masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta booqasho ku tegay degmooyinka ka tirsan Galbeedka caasimadda Muqdisho ee kala ah”Hodan,Waaberi,Xamar Jajab iyo H/wadaag”. Gudoomiye Yabooh ayaa maamuladda degmooyinka H/wadaag iyo Hodan iyo Madaxda Amniga ee degmooyinkaas ku wargeliyey in shaqadda laga joojiyey labada Gudoomiye ee degmooyinka Hodan iyo H/wadaag,dhammaan xubnaha kale ee maamulka degmadane lagu sameyn doono kor joogteyn muddo dhan 45-cisho,gudoomiye Yabooh ayaa intaas raaciyey in cidii lagu arko wax qalad ah,habacsanaan shaqo iyo dhega adeeyg laga ruqseyn doono shaqada,shaqaalaha degmada ayaa la faray iney la shaqeeyaan masuuliyiinta kusimeyaasha ah. Waxaane digniin adag la siiyey maauladda degmooyinka Waaberi iyo Xamar jajab waxaane loo sheegay iney jiri doonto kor joogteyn 45-cisho ah taaso lagula socon doono shaqadooda,waxaane shaqdiisa waayi doono qof kasta oo ka horyimaado amaradda maamulka Gobolka Banaadir. Gudoomiye Yabooh ayaa dadkii uu la kulmay maanta u sheegay in Gudoomiyeyaasha shqada laga joojiyey ee kala ah Hodan iyo H/wadaag ey mari doonaan canaan iyo tababar maamul,ka dib markii ey sameeyeen dayacaad shaqo iyo xil gudasho la’aan.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

Next
Next