GUDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO BOOQASHO KU JOOGO JABUUTI.

(SAWIR)-KA.MADAXTOOYADDA JABUUTI OO LAGU SOO DHAWEEYEY GUD MADOOBE.

(JABUUTI)-Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Mudane Sheekh Adan Maxamed Nuur(Adan Madoobe) ayaa maanta oo Arbaca ah kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ugu horeyntii Madaxtooyadda dalka Jabuuti ku soo dhaweeyey Gudoomiye Adan Madoobe waxa uuna uga mahaceliyey booqashada rasmiga ah ee uu ku yimid Jamhuuriyadda Jabuuti,waxaana uu Madaxweyne Geelle bogaadiyey guulaha waa weyn ee uu Barlamaanka Soomaaliya uu ku talaabsaday labaddii sano ee la soo dhaafay,isagoo xusay in shuruuc muhim u ah geedi socodka dhismaha dawladnimada Soomaaliya uu ansixiyey Baarlamaanka 11-aad ee JFS. Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Sheekh Adan Madoobe ayaa isna dhinaciisa waxa uu u mahaceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md.Geelle,waxa uune tilmaamay in dawladda iyo shacabka reer Jabuuti ey kaalin walaalnimo kasoo qaateen dib u dhiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya isagoo sheegay in Dawladda Federaalka Soomaaliya ey guulo waa weyn ka gaartay dib u xoreynta dalka iyo dhismaha hayadaha kala duwan ee dalka.

ISHA/SNTV.

Previous
Previous

SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARANKA OO GALAY MAALINTIISII 3-AAD.

Next
Next

KULAN DHEXMARAY WAFDIYADDA SOOMAALIYA IYO CIRAAQ.