SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARANKA OO GALAY MAALINTIISII 3-AAD.
(SAWIR)-KA. SHRKA GOLAHA WADATASHIGA QARANKA.
(MUQDISHO)-Maalintii Talaadada ee bishaan ahayd 14/5/24-ka waxaa magaaladda Muqdisho gaar ahaan Xarunta Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka furmay shir ey isugu yimaadeen Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka kooban Maamul Goboleedyadda dalka ka jira iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir isla markaasne ah Duqa caasimadda Muqdisho iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,shirkaan furmay Talaadadii la soo dhaafay ayuu qorshuhu ahaay in la qabto bishii hore ee Abriil-2024-ka balse Madaxweyneyaasha maamuladda Koofur Galbeed Soomaaliya Laftgareen iyo Maamulka J/land Axmed Madoobe ayaa ka cudur daartay iney yimaadaan Muqdisho kana qeybgalaan shirka Golaha Wadatashiga Qaranka sababo iyaga u gaar ah. Ajandaha shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa lagu sheegay inuu yahay (1)-Dardargelinta Dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab, (2)-Arrimaha Dastuurka ee Dawaladda Federaalka,balse waxaa jira hadane soo ifbaxay qodobo kale kuwaaso caqabad adag ku keeni kara shira Golaha Wadatashiga Qaranka,qodobadaas ayaa waxaa ka mid ah Doorashooyinka Madaxtinimo ee maamul Goboleedyada dalka Soomaaliya marka laga reebo maamulka Puntland oo isaga diiday inuu ka qeybgalo shirka Golaha Wadatashiga Qaranka. Wararka qaar ayaa sheegaayo in maamuladda qaarkood ey doonayaan in Doorashadda mideysan ee maamul Goboleedyadda dalka laga dhigo sannadka 2026-ka waqtigaaso ey dheceyso doorashadda Dawladda Federaalka ee Soomaaliya halka maamuladda qaar ey qabaan in doorashadda Maamuladda la qabto dhammaadka sannadkan 2024-ka,lama oga go’aanka kama dambaysta ah waxa uu noqonaayo iyo halka la isku raacaayo tan ey tahay,waane halkaan halka ey ka imaan karto caqabad uu ku burburi karo shirka Golaha Wadatshiga Qaranka. Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maanta galay maalintii seddexaad ayaa waxaa warbixin looga dhegaystay Wasiirka G/dhiga Md.C/qaadir Maxamed Nuur(Jaamac) iyo Taliyaha CXDS S/Gaas.Ibrahim sheekh Muxyadiin,waxa uuna taliyaha soo bandhigay guulihii waa weynaay ee laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxda ALshabaab wejigii koobaad ee dagaalka Alshabaab,Golaha ayaa kulankoodii shalay waxa ey warbixn kaga dhegaysteen hogaamiyaha SSC-khatumo Md.C/qaadir Firdhiye,wax uuna Firdhiye soo bandhigay xaaladda amni ee SSC-khatumo iyo nolosha dadka degan SSC-khatumo,shirka maanta ee Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa waxaa shir gudoominaayey MW-Xasan Sheekh Maxamuud waxaane Goobjoog ka ahaay Reysal Wasaare ku xigeenka Xukumadda Federaalka Md.Saalax Jaamac iyo Madaxweynayaasha kala Cali Guudlaawe H/shabeel, Laftgareen KGS,Axmed Madoobe J/land,Axmed QoorQoor G/Mudug iyo Gudooiyaha G/banaadir ahne duqa Caasimadda Muqdisho Md.Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale). NALA SOCDA.
ISHA/SB-MEDIA.