KULAN DHEXMARAY WAFDIYADDA SOOMAALIYA IYO CIRAAQ.

(SAWIR)-KA. KULANKA RW-XAMSE IY MW-C/LADHIIF.

(MANAMA)-Reysal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Md.Xamse Cabdi Barre ayaa magaaladda Manama ee caasimadda u ah Boqortooyadda Baxrayn kula kulmay Madaweynaha dalka Ciraaq Md.C/ladhiif Rashiid. Labadda Masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal Soomaaliya iyo Ciraaq iyo sidii la isaga kaashan lahaay dhinacyada Amniga iyo danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah,isla markaane la isu dhaafsan lahaay khibradaha dhinaca Amniga bacdamaa labada dal ey dagaal adag kula jiraan kooxaha Argagixisadda ee Daacish iyo Alshabaab kuwaaso dhibaato xun ku haayo ummada ku nool labada dal ee Ciraaq iyo Soomaaliya. Kulanka labad Masuul ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray danaha labada dal ee faa’iidada u leh labada shacab gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha,dhaqanka,Waxbarsahadda iyo caafimaadka. Reysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Ciraaq uu ka dhexeeyo xiriir soo jireen ah oo ku saleysan danaha ey wadaagaan labada dal kaasoo muhiim tahay in la sii xoojiyo.

ISHA/SNTV.

Previous
Previous

GUDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO BOOQASHO KU JOOGO JABUUTI.

Next
Next

LABA SANO KA DIB MAXAA U QABSOOMAY DFS?