GUDIGA LA DAGAALANKA ARAGAIXISADA QM OO…

GOLAHA AMAANKA QARAMADA MIDOOBAY.

(DELHI)-Caalamka ayaad moodaa inuu hadda u soo jeestay wax ka qabashada Argagixisada ka jirta adduunka dacaladiisa gaar ahaan kooxaha Daacish iyo Al-Qaacidda oo addunka ka wada dilal arxan darra ah midkii ugu dambaeyeyne uu shalay ka dhacay Muqdisho caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,halkaas ayaa waxaa ka dhacay laba qarax ey ku geeriyoodeen dad gaaraayo ilaa 165-qofood eeyna ku dhaawacmeen dad gaarayo 245-qofood sida laga soo xigtay hayadaha caafimaadka ee G/banaadir,hadaba Golaha Amaanka ee Qaramada Middobay gudigiisa la dagaalanka Argagixisada ayaa shalay oo Sabti ahayd sheegay in Dulqaadkii loo haayey Argagixisada uu gaaray”EBER”. Fadhi gaar ah oo eey yeesheen Golaha Amaanka ee Qaramada midoobay gudigiisa la dagaalanka Argagixisada kana dhacay caasimadda dalka Hindiya ee Delhi ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii looga hortegi lahaay kororka xad-dhaafka ah ee ku yimid Teknoolojiyadda Casriga ee loo weeciyey u adeegsiga dhinaca Argagixisada sida baraha internet-ka oo laga baafiyo warar lagu dhiirinaayo Argagixisada iyo askar u qoridda kooxaha Daacish iyo Al-qaacidda.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI

Previous
Previous

SHIR DEG DEG AH EY YEESHEEN GOLAHA WASIIRADA DFS.

Next
Next

QARAXYO MATAANA AH OO GILGILAY MUQDISHO.