QARAXYO MATAANA AH OO GILGILAY MUQDISHO.

DHISMAHA WASAARADDA WAXBARASHADA IYO HIDAHA-MUQDISHO.

(MUQDISHO)-Tan iyo markii uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in lala dagaalamo kooxda Alshabaab waxaa cagta la mariyey goobo fara badan oo eey kooxdu ku xoog badneed amaba ku leheed awood baahsan,kooxda Alshabaab ayaa lagu qaaday weeraro kala gedisan sida mid dhaqaale,mid ciidan iyo warbaahineedba waxa eyna taasi sababtay in kooxdu gasho jahwareer aysan horay u arag oo ku saabsn dhinaca dhaqaalaha waxa eeyna kooxdu hadda dawarsi ugu jirtaa cidii siin lahayd lacag Deyn ah eey ku soo iibsato daawo iyo hub oo hadda gabaabsi ka ah kooxda Alshabaab,balse ma dhici doonto in kooxda Alshabaab hesho cid daymisa lacagta eey rabto ineey hesho waayo nin duqeymo ku socdaan yey tahay cidda siinaysa Deyn. Magaaladda Muqdisho ayaa laga soo sheegaya in maanta oo Sabti ah eey ka dheceen laba qarax oo is xiga labada qarax ayaa lala beegsaday xarunta Wasaaradda Waxbarashada iyo Hidaha ee DFS, qaraxa hore ayaa waxa uu ahaay mid laga soo buuxiyey baabuur laguna dhuftay albaabka wasaaradda kan labaadne waxa uu ahaay mid waxyaabaha qarxo laga soo buuxiyey Mooto Bajaaj lana dhigay dhinaca wadada agteeda ah,qaraxyadaan ayaa waxaa ku dhintay dad fara badan in kastoo aan weli la helin tirada saxda ah ee dhimashada iyo dhaawaca,waa maxay sababta loo beegsaday Wasaaradda Waxbarshada iyo Hidaha maanta oo Sabti? Waa arrin caadi ka ah dhinaca kooxda Alshabaab in qaraxyada lala beegsado goobaha la ogyahay ineey ardayda isugu imanayaan,maanta oo Sabti ah waxaa xarunta Wasaaradda Waxbarashada iyo Hidaha ka jirtay shahaado bixinta ardayda soo dhammaysatay dugsiga sare ee sannad dugsiyeedka 2021/2022,shahaado siinta maanta jirtay ayaa ahayd mid lacag la’aan ah waayo Wasiirka Waxbarashada iyo Hidaha Mudane Faarax C/qaadir ayaa horay u sheegay ineeysan jirin wax lacag ah oo laga qaadaayo ardayda soo codsata shaadada dugsiga sare. Qaraxyada maanta dhacay ayaa waxaa ku dhintay dad caan ka ah bulshada dhexdeeda inta hadda la ogyahay waxaane dadkaasi ka mida AUN- Wariye Maxamed Siciid Koona una shaqeynaayey Tv-ga M24 kana hawlgala magaaladda Muqdishio,sidoo kale waxaa isna ku geeriyooday Taliyihii saldhiga booliska ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir AUN-Xuseen Cadceed Cismaan,waxaane ku dhaawacmay taliyaha booliska saldhiga Waaberi ee Gobolka Banaadir Ismaaciil Siciid Jaamac,sidoo kale waxaa isna ku dhaawacmay qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho sawirqaadihii Wakaaladda Wararka Caalamiga ah ee REUTERS Sawirqaade Faysal Cumar,waxaane leenahay dhammaan intii ku dhimatay alle ha u wada naxariisto,intii ku dhaawacantayne alle ha u booga dhayo. AAMIIN.

DIYAARIYE TIFATIRE AHMED HUSSEIN.

Previous
Previous

GUDIGA LA DAGAALANKA ARAGAIXISADA QM OO…

Next
Next

NANCY PELOSI OO LA WEERARAY ODAYGEEDII.