GOLAHA SHACAKA EE BJFS OO MAANTA KA DOODAY…
(SAWIRKA)-SHIR GUDOONKA GOLAHA SHACABKA EE BJFS.
(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno magaaladda Muqdisho ayaa sheegaayo in Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ey maanta yeesheen kalfadhigii 5-aad kulankiisii 4-aad,waxaane kulanka maanta shir Gudoomiyey Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Md.C/laahi Cumar Abshiraw. Ajendaha kulanka ee maanta ayaa ahaay akhrinta labaad ee Hindisa Sharciyeedka Maalgashiga Soomaaliya oo uu soo diyaariyey Gudiga Ganacsiga iyo Warshadaha ee Golaha shacabka BJFS. Xildhibaanadda Golaha Shacabka oo dood kulul islamarkaana saacado qaadatay ka yeeshay Hindisa Sharciyeedka ayaa aad uga dooday Qodobadda Hindise Sharciyeedka,muhimadda uu wadanka u leeyahay iyo sidoo kale haddii uu miisaaniyad leeyahay,waxaane kulanka ku sugnaay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta,Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Xil.Maxamuud C/raxmaan Beenebeene. Gudoomiyaha Gudiga Ganacsiga iyo Warshadaha ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Sheekh Nuur Cismaan ayaa sheegay in Hindisa Sharciyeedkan uu hore u soo maray akhrintii koobaad islamarkaane uu maraay akhrintii labaad,wuxuuna dhanka kale sheegay inuu miisaaniyadiisa uu wato maadaam dooda Xildhibaanadda ee maanta ey ku qotontay Miisaaniyadda Hindisa Sharciyeedkan. Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Md.Abshiraw oo shir Gudoominaayey kulankii maanta ayaa sheegay in Gudoonka Golaha Shacabka uu si deg deg ah u magacaabi doono Gudi ka soo shaqeeyn doono doodii Xildhibaanadda Golaha Shacabka kulankii kan maanta ka horeeyey ey ka yeesheen dhismaha Hayadaha Madaxa banaan ee aan miisaaniyadda lahayn si ey warbixintooda Golaha ugu soo celiyaan islamarkaane qaraar arrintaas la xiriiro uu Goluhu u soo saaro.
ISHA/SNTV.