WASIIR BIIXI OO SHIR GUDOOMIYEY SHIRKII BILLAHA EE…

(SAWIRKA)-WASIIRKA MAALIYADDA OO KA QEYBGALAY SHIRKII..

(MUQDISHO)-Wasiiraka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya Md.Xil.Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Gudoomiyey kulan billa ah ee uu yeesho Gudiga Maamul Wanaaga Maaliyadda ee magaciisa loo soo gaabiyo FGC oo ey ku mideysan yihiin DFS iyo Hayadaha Dhaqaalah Adduunka ee wada shaqeynta la leh DFS. Intuu socday kulanka maanta dhacay ayaa waxaa diiradda lagu saaray Horumarka iyo sare u qaadida Dakhliga Gudaha,Xoojinta Nidaamka Maamul Wanaaga Maaliyadda,Casriyeynta Hanaanka Iibka Qaranka iyo Xoojinta Hufnaanta Maamulka Maaliyadda oo dhammaantoodba la isla gartay iney u socdaan habkii ugu wanaagsanaay iyo dhabihii guusha. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Biixi oo ah Gudoomiyaha Gudiga Maamul Wanaaga Maaliyadda ayaa tilmaamay in DFS ey ka go’an tahay ku dhaqmida nidaam ey ku dheehan tahay Daah-Furnaan iyada oo la raacaayo habka maamulka Guud ee Maaliyadda dalka,waxa uu sidoo kale sheegay hanaanka isla xisaabtanka iyo Dawlad Wanaaga inuu qeyb ka yahay kobcinta dhaqaalaha dalka Soomaaliya.

ISHA/SNTV.

Previous
Previous

HAYADDA INTERPOL OO SOO XIRTAY ILAA 300-QOFOOD.

Next
Next

GOLAHA SHACAKA EE BJFS OO MAANTA KA DOODAY…