KENYA OO EY DIB UGA BILAWDEEN DIBADBAXYADDA.

(SAWIRKA)-DIBADBAXAYAASH KENYA IYO BOOLISKA OO IS HOR FADHIYA.

(NAIROBI)-Dalka Kenya waxaa soo laba kacleeyey Mudaaharaadyadii sababay in la kala diro Xukuumadda Kenya,waxaane la soo sheegayaa kuwii ugu dambeeyey iney ku dhinteen seddex qofood tobanaan kalane ey ku dhaawacmeen shalay oo Talaada ahayd. Dibadbaxyo rabshado wato ayaa ka dhacay guud ahaan dalka Kenya iyadoo ey isku dheceen ciidanka Booliska. Booliska Kenya isagoo ka hortegaayo rabshadaha ayuu isticmaalay sunta dadka kaga ilmeysiisa iyo rasaas nool,waxaane dagaalo xoogan wadooyinka ku dhexmary dibadbaxayaasha iyo ciidamadda amaanka dalka Kenya gaar ahaan caasimadda Nairobi. Masuuliyiinta Kenya ayaa xaqiijisay in ilaa laba qofood dad ka badn ey ku dhinteen rabshaadihii dhacay halka ey jiraan tobaneeyo dhaawaca ah una badan dhallinyaro kuwaaso ku dhaawacmay rasaasta ciidanka amaanka Kenya. “Laba qof ayaa maanta ku dhimatay dibadbaxyada,ma xaqiijin karno sababta dhimashadooda waayo faragelin ayey sameeyeen dad dibadbaxaayo oo waxa ey xoog ku galeen Isbitaalka oo ey meydadku isla markii ey yimaadeen uuna keenay saldhiga Booliska ee degmada”sidaas waxaa sheegay Takhtar ka tirsan Isbitaalka Kibwezi isagoo ku sugan degmada Machakos ee bariga dalka Kenya,waane uu diiday takhtarku in la shaaciyo magaciisa.

ISHA/AA.

SII AKHRI.

Previous
Previous

GOLAHA SHACAKA EE BJFS OO MAANTA KA DOODAY…

Next
Next

SENITAR MARAYKAN AH OO LAGU HELAY INUU QAATAY…