GOLAHA AMAAN OO BERRI KA SHIRAAYO XAALKA AFGAANISTAAN.
Golaha amaanka ee qaramadda midoobay ayaa maalinta Isniinta ah(16/8/2021)-ka subaxnimadeeda isugu imaan doono fadhi deg deg ah kuna saabsan arrinta afgaanistaan,fadhiga ayaa lagu wadaa inuu furmo tobanka aroornimo ee dalka Maraykanka waxaane codsaday fadhigaan deg dega ah dalalka Estooniya iyo Noorweey. Diblomaasiyiinta golaha amaanka ayaa maanta oo Axad ah(15/8/2021)-ka sheegay in xoghayaha guud ee qaramadda midoobay Antonio Guterres uu xubnaha golaha siin doono warbixin kooban kuna saabsan xaaladda dalka Afgaanistaan gaar ahaan kooxda Dhaalibaan oo qabsatay casimadda Kaabuul. XIGASHO DAILY SABAH.