GOBOLKA GEDO IYO RABSHADAHA WELI KA TAAGAN.

SAWIRKA AUN-TALIYE BAKAAL KOOKE.

(GARBAHAAREEY)-Dalka Soomaaliya waxa uu ka kooban yahay 18-Gobol kuwaaso dalku lahaay waqtigii ciidamdu xukumaayeen dalka Soomaaliya,hadaba Gobolka Gedo waxa uu ka mid yahay Gobolada samaysmay waqtigii Kacaanka waxa uuna ka kooban yahay degmooyinka kala ah Garbahaareey oo Caasimadda Gobolka ah,Baardheere,Beled Xaawo,Doolow,Ceel Waaq iyo Luuq. Gobolka Gedo ayaa hadda waxa uu ka tirsan yahay maamulka Jubbaland ee hadda fadhigiisu yahay magaaladda Kismaayo bacdamaa Caasimadda Maamulka Jubbaland ey tahay Bu’aale eyna haystaan kooxda Alshabaab,waane maamulka kaliyah ey kooxda Alshabaab ka haysato Gobol kaamil ah waane Gobolka Jubbada Dhexe. Gobolka Gedo ayaa waxaa ka jiro ismaan dhaaf dhinaca siyaasadda ah kaaso salka ku haayo doorashada lagu doortay mar labaad hogaamiyaha maamulak Jubbaland Axmed Madoobe,waxa uuna Gobolka Gedo galay xaalad aad u adag ka dib markii xukuumaddii hore ee MW-Farmaajo u dirtay ciidamo isku dhaf ah si halkaas ugu diidaan maamulka Jubbaland inuu raad ku yeesho doorashada xildhibaanda BJS,waxaane halkaasi salka dhigtay ciidamo ka amar qaadan jiray Farmajo,waxaane dhawr mar dhacday ineey is fara saaraan labada ciidan Jubbaland iyo kuwa Gedo. AUN-C/raxmaan C/laahi Aadan(Bakaal Kooke) ayaa ahaay taliyihii NISA ee Gobka Gedo waxaane shalay oo khamiis ahayd lagu dilay qarax loogu xiray baabuurkiisa waqti uu ka soo socday tuuladda Suul Alle oo shan kiilomitir u jirta degmada Luuq,taliye Bakaal Kooke ayaa joogay Gobolka Gedo labadii sano ee la soo dhaafay waxa uuna si aad ah uga soo horjeeday maamulka Axmed Madoobe madaxda ka yahay waxa uuna si toos ah ugu xirnaay dawladdii uu hogaaminaayey MW-Farmaajo,Qaraxa uu ku dhintay taliye Kooke waxaa isna ku dhaawacmay taliyihii hore ee NISA degmooyinka Beled Xaawo iyo Doolow C/laahi Kaniini. C/laahi Cabdi Qariyaw(C/laahi Shimbir) ayaa shalay aroortii waxaa laga celiyey Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho isagoo rabay inuu u dhoofo Gobolka Gedo,wararka qaar ayaa sheegaayo in C/laahi Shimbir uu Gedo ugu socday tacsida adeerkiis dhinaca kale warar kale ayaa sheegaayo in C/laahi rabay inuu ku dhoofo tikid aan magaciisa ku qorneyn,arrintaan ayaa ah midaan kala cadeyn ilaa hadda waayo xiriirka ka dhexeyn karo celinta Shimbirow iyo dilka Kooke bacdamaa ey ahaayeen laba shaqsi oo kala taageero Farmajo iyo Axmed Madoobe oo labaduba awood muuqato ku leh Gobolka Gedo. Dhinaca kale dagaal ayaa waxa uu maanta ka dhacay xero ciidan oo ku taalo degmada C/waaq ee Gobolka Gedo ka dib markii sarkaal lagu magacaabo Raambaw iyo rag la socday ey weerar ku soo qaadeen goob Mushaar lagu siinaayey ciidamadda maamulka Jubbaland waxaane halkaas ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah soona kala gaaray labada dhinac ee dagaalantay,Qaraxa lagu khaarijiyey AUN-Kooke ayaa waxaa sheegatay kooxda Alshabaab halka weli eysan ka hadlin xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed arrimaha Gobolka Gedo marka laga reebo tacsida uu diray Agaasimaha hayada NISA Xikdhibaan Mahad Salaad.

ISHA WARKA SUUQBACAAD MEDIA(SOMALIA).

Previous
Previous

BOOLISKA BILJAM OO XIRAY…

Next
Next

TIRADA SUXUFIYIINTA LAGU DILAY ADDUUNKA.