GALCAD: DUQEYN LAGU DILAY HORJOOGAYAAL ALSHABAAB AH.

(SAWIRKA)-DIYAARADAHA DRONES-KA OO WEERARAY ALSHABAAB.

(GALCAD)-DEG DEG: Wararka laga helaayo degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegayo in halkaasi maanta ey ka dhacday Duqeyn aad u xoogan taaso lala beegsaday goobo ey ku sugnaayeen maleeshiyaadka Alshabaab ee degaankaasi. War ey soo saartay Wasaaradda Gaashandhiga Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuu dhacay hawlgal Qorsheysan ey iska kaashadeen ciidamadda xooga dalka Soomaaliyeed iyo saaxibadda caalamka,hawlgalka ayaa la sheegay inuu ka dhacay degmada Galcad ee G/galgaduud. Diyaaradaha dagaalka ayaa beegsaday xarumihii kooxda Alshabaab ee degmada Galcad sida Xaruntii Keydaka ee kooxda Alshabaab ee Galcad,Saldhigii kooxda Alshabaab ee Galcad iyo goob kooxda Alshabaab u ahayd Isbitaal waxaane goobtasi xalay la keenay sida la sheegay Dhaawcyo iyo Meyadad fara badan isuguna jira Horjoogayaal qeyb ka ahaay dagaalkii shalay ka dhacay degaanka CAAD ee koonfurta Gobolka Mudug. Goobaha lala beegsaday weerarka maanta ka dhacay Galcad ayaa kala ah Keydkii kooxda Alshabaab oo dambasta noqday,Saldhigii kooxda Alshabaab oo isna la burburiyey iyo goob Isbitaal u ahayd kooxda Alshabaab kuna dhex tiilay beer lagu nasto oo iyadana gebi ahaanba baaba’aday. Weerarad dhinaca cirka ah ee lala beegsanaayo kooxda Alshabaab ayaa sii kordhay ka dib markii shalay ey kooxdu isku dayday iney weerarto degaanka Caad ee dhaca koonfurta G/mudug,waxaane kooxda lagu qaaday dhawr weerar oo dhinaca cirka ah sida ey sheegtay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya,waxa eyna weeraradasi ka kala dheceen G/Mudug,G/galgaduu iyo G/shabeeladda Hoose.

ISHA WARKA: SUUQ-BACAAD MEDIA(SBM).

MUQDISHO-SOMALIA.

Previous
Previous

GARAWE: MW-XASAN SHEEKH OO KA HADLAY MIDNIMADA.

Next
Next

GALHAREERI: ALSHABAAB OO KU HALAAGSANTAY WEERARKII MAANTA.