GALHAREERI: ALSHABAAB OO KU HALAAGSANTAY WEERARKII MAANTA.
(SAWIRKA)-CIIDAMADA XOOGA DALKA.
(GALHAREERI)-DEG DEG: Wararka laga helaayo degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud maamulka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaayo in halkaasi aroortii hore ee maanta oo Khamiis ah kuna beegan 25/1/2024-ka uu ka dhacay weerar qorsheysan oo lala beegsaday goobo ey ku sugnaayeen kooxda Alshabaab,weerarkaan ayaa waxaa iska kaashaday Hayadda Nabad Sugidda Qaranka(NISA) iyo saaxibadda caalmka. Weerarka ayaa waxaa ku dhimtay maleeshiyaad iyo Horjoogayaal ka tirsan kooxda Alshabaab,tirada dhimashada ee ilaa hadda la xaqiijiyey ayaa ah sodon halka dhaawaca uu gaaraayo ilaa konton kale, Goobaha weerarka dhacay maanta lagu bartilmaameedsaday ayaa waxaa ka mid ah-(1)-Xaruntii Idaacadda kooxda Alshabaab ee Andulus. (2)-Xarunta lagu Farsameeyo Qaraxyada ey isticmaasho kooxda Alshabaab. (3)-Xarunta Maaliyadda ee degmada Galhareeri ee kooxda Alshabaab,Guri ey deganaayeen Horjoogayaal ka tirsan Alshabaab gaar ahaan kuwa sameeyo Filimada ee lagu magacaabo AL-KATAA’IB,guri kale uu deganaay Horjooge ey Alshabaab ugu yeeraan inuu yahay Madaxii Zakawaatka ee Gobolka Shabeeladda Dhexe iyo guryo kale ey ku shiraayeen Horjoogayaasha Jabhadaha ee kooxda Alshabaab. Hayadda NISA ayaa goor dhaw waxa ey saartay magacyada iyo xilalka Horjoogayaal lagu dilay weerarkii maanta ka dhacay degmada GALHAREERI waxa eyna kala yihiin: (1)-Qoor Cadde, oo ahaay Madaxa Xarunta Qurdubi,waa xarun faafiso fikirka xagjirnimada. (2)-Macallin Maxamed,waxa uu ahaay Ku-Xigeenka Qoor Cadde ee Xarunta faafinta Fikirka Xagjirnimada. (3)-C/karin Shan-boqolle,waxa uu ahaay ninkii Aas-Aasay kooxda Alshabaab ee Gobolka Galgaduud hadane Mu’adin ka ahaay Masaajidka degmada Galhareeri. (4)-Wareershe,waxa uu ahaay Horjooge ka tirsan Qeybta Gaadiidka ee Alshabaab. (5)-Yamiin,waxa uu ahaay Horjooge ka tirsan Maleeshiyaadka Alshabaab ee Gobolka Mudug. (6)-C/laahi Macallin Bashiir,waxa uu ahaay Horjooge Maleeshiyaadka Gobolka Galgaduud. (7)-Ismaaciil Abu-Ruqiya,waxa uu ka tirsanaay Qeybta Marin Habaabinta ee G/Galgaduud. (8)-Ciise Maxamed Wehliye,waxa uu ahaay Horjooge ey Alshabaabka ugu yeeraan Madaxa Zakawaatka ee G/shableelada dhexe. (9)-Ciise Ruush,waxa uu ahaay Horjoogaha Farsamadda Hubka ee Alshabaab. (10)-Usaama,waxa uu ahaay Horjoogaha Isgaarsiinta Alshabaab. (11)-Xasan Nuur,waxa uu ka tirsanaay Qeybta Gaadiidka ee Alshabaab. Dhinaca kale,Warbaahinta Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa iyadana baahisay magacyada qaar ka mid ah Horjoogayaashii ku le’eday Galhareeri maanta oo Khamiis ah,waxaane ragaas la dilay ka amid ah: (1)-Cilmi Cabdulle Cawaale,Madaxii hawlgalada ee Jabhada Galgaduud. (2)-Kediye Guure Waalid,Madaxa qeybta Gaadiidka Qaraxyada ee Alshabaab. (3)-Cali Cilmi Waahir,Madaxa Warbaahinta ee Galgaduud. (4)-Cali Balcad,Madaxa Sirdoonka Alshabaab waa dhaawac Culus. (5)-Feysal Cali Yare,Wariye ka tirsan Idaacadda Alshabaab ee Andulus waa dhaawac Culus.
FADLAN INAGALA SOCO WIXII SOO KORDHA.