GARAWE: MW-XASAN SHEEKH OO KA HADLAY MIDNIMADA.
(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH OO LAGU SOO DHAWEEYEY GARAWE.
(GARAWE)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgelaayo caleema saarka Madaxweynaha maamulka Puntland oo mar kale loo doortay MW-Siciid C/lahi Deni 8/1/24-ka ayaa waxa uu ka hadlay arrimo aad u fara kuna saabsan dalka Soomaaliya gaar ahaan MW-Xasan ayaa dul istaagay sida dalka Soomaaliya uu maanta ugu baahan yahay Midnimo iyo in gacmaha la is qabsado si looga guulaysto Cadawga Gudaha iyo kan dibadda. MW-Xasan Sheekh ayaa yiri”Midnimo ayaan u baahanahay si aan uga adkaano Argagixisada gudaha iyo Cadawga dibadda. Soomaaliya maanta Midnimo ra’ayiga ah maalin ey uga baahi badan tahay ma jirto”. MW-Xasan Sheekh ayaa balanqaad sameeyey waxa uuna yiri”Anigoo ah Madaxweynaha JFS waxaan balan qaadayaa intii suuragal ah ee qof uu sameyn karo inaan xoog,caqli iyo juhdi geliyo midnimada iyo isku wadka dadka Soomaaliyeed,si gaar ah madaxda dawlad goboleedyada ee bulshadu soo dooratay iyo siyaasiyiinta kale ee kala aragtida duwan”.
ISHA/CAASIMADDA.