GABAR AFLAGAADEYSAY MW-XASAN SHEEKH OO LAGA SOO QABTAY GAALKACYO GM.

(SAWIR)-KA.FARDAWSA CABDI MUUSE.

((GAALKACYO-G/MUDUG)-Maalmihii la soo dhaafay waxaa magaaladda Muqdisho ka socday soo qabashadda dhallinyarada ku lugta yeelata Anshax Xumadda iyo Kicinta Bulshada,dhallinyaradaan la soo wada xiray ayaa faraha kula jiray waxyaabo aan u wanaagsaneyn Anshaxa Ummadda Soomaaliyeed iyo Kicinta Bulshadda walaalaha ah ee nabadda kuwada nool. Inta badan dhallinyadda loo soo xiray arrintaas ayaa ah kuwa isticmaala AALADDA TIKTOK-ga balse hadda waxaa dhinaca uga soo biiray dhallinyaro kale oo isticmaala Barta Facebook-ga,dhallinyaradaan ayaa si Toos ah u soo gala bartooda dabadeedna sheega waxyaabo aan munaasib ku ahayn sharciga dalka iyo Anshaxa Ummadda Soomaaliyeed leedahay,tusaale ahaan dhallinyaradaan ayaa aflagaadeeya Masuuliyiinta Qaranka ey ugu horeeyaan Madaxweynaha,Reysul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya. Hadaba Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Qeybtiisa maamulka Galmudug ayaa maanta soo xiray Gabar lagu magacaabo Fardawsa Cabdi Muuse taaso maalin ka hor iska duubtay muuqaal ey soo dhigtay baraha bulshada gaar ahaan barta Facebook-ga,gabadhaan ayaa Caay,Aflagaado iyo Hanjabaad waxa ey hawada u marisay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,hadaladda la yaabka leh ey tiri gabadhaan ayaa waxaa ka mid ah”ZUU LABA DHUUMOOD AH AYAAN SIDAAN KUU SAAREYNA,WAXAANE JOOGAA WISIL OO WAAD U SOO SOCTAA”. Arrimaha dhallinyaradaan ey ku kacayaan ayaa waxaa dibadda ka hurinaay rag isu arka iney wax u teri karaan dhallinyarada ey dhumiyeen una horseedeen iney galaan xabsi noqdaane Maxakamad sugayaal.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

HADALKII RUTO KA YIRI WASHINGTON KENYA MAXAA KA RAACAY?

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH OO KA QEYBGELAAYO SHIRKA BANGIGA HORU…